Qardho[RBC Radio] Isbitaalka Guud ee Qardho waxaa adeegyo Caafimaad u fidiyaa shacabka ku nool guud ahaan shanta degmo oo ka koobanyahay Gobolka karkaar oo kala ah Xaafuun,Bayla,Waaciye,Qardho iyo Rako,waxaana maalin walbo soo gaaro dad qaba xanuuno kala duwan, iyadoo dhaqaatiirta ka howlgasha isbitaalka ay heegan u yihiin dadweynta bukaanada la soo gaarsiiyo.
Isbitaalka Guud ee Qardho ayaa waxa uu ka koobanyahay,Qeybaha,Raajada,Sheybaarka,dhiigshubidda,Umulisada,gar-gaarka deg-dega,Saalada Qaliinka,keydka daawada iyo qeybo kale oo loogu talagalay daryeelka Bukaanada.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Qarhdo Cismaan Cabdi Aw-Muuse ayaa ka warbixiyey howlaha Isbitaalka,waxa uu sheegay in isbitaalka ay ka howlglaan sideed dhaqtar oo qaabilsan qeybo kala duwan,waxa uu tilmaamay in isbitaalka yahay mid referral oo bukaanada looga keeno shanta degmo oo ka koobanyahay gobolka karkaar,waxaana jira in qaliinada Dumarka in loogu yimaado guud ahaan deegaanada Puntland maadaama isbitaalka leeyahay qeybta Hooyada iyo dhalaanka si lacag la’aan ah in lagu daaweeyo kadib markii ay mashruucaasi siisay hey’adda Save the children sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee isbitaalka Qarhdo Cismaan Cabdi Awmuuse.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in kaalmo ay ka helaan Wasaaradda Caafimaadka oo soo gaarsiisay daawo waxa uuna u mahadceliyey wasaaradda iyo hey’adda Save oo gacanta ku haya isbitaalka,waxaa kaloo oo sheegay agaasimaha in hormarinta isbitaalka ay ka qeybgalaan bulshada Gobolka karkaar.
Isbitaalka Qardho ayaa dhawaan waxaa lagu sameeyey Tayactir wanaagsan,waxaana lagu kordhiyey dhismayaal kala duwan,waxaana la keenay qalab caafimaad sida uu xaqiijiyey Agaasimaha isbitaalka iyadoo markaad gaarto isbitaalka aad arkeysid in isbadal dhanka dayactirka lagu sameeyey ,waxaana lagu beeray dhir kala duwan taas oo kor u qaaday bilicda isbitaalka.
______________________
Cabdirixmaan Black