Muqdisho{RBC Radio} Kooxo hubaysan ayaa xalay dilay taliyihii ciidamada nabad sugidda degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho,koox hubaysan ayaa la sheegay iney weerar kusoo qaadeen taliyaha nabad sugidda degmada Kaxda waxaana la tilmaamay in is rasaasayn in muddo ah socotay ay dhexmartay kooxdii weerarka soo qaaday iyo ilaalada taliyaha la dilay ay halkaa ku dhexmartay.
Gudoomiyaha degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho C/wali Yuusuf Cumar ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida taliyihii ciidamada nabad sugidda degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Khaliif Maxamuud Cali.
Gudoomiyaha degmada Kaxda ayaa sheegay in taliyaha ay jidka u galeen koox hubaysan,wuxuuna xusay iney rasaas isweydaarsadeen ilaalada taliyaha geeriyooday iyo kooxdii weerarka gaadmada ah kusoo qaaday,gudoomiyaha ayaa sheegay in taliyihii uu goobtaas ku geeriyooday,wuxuuna sidoo klale tilmaamay inuu dhaawac soo gaaray askari oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha la dilay.
Gudoomiyaha degmada Kaxda ayaa dhanka kale tilmaamay in khasaaro la gaarsiiyey kooxdii weerarka soo qaaday,wuxuuna xusay iney ku raadjoogaan kooxdii dilkaa ka danbeysay oo goobta ka baxsatay markii ay falka geysteen.
C/wali Yuusuf gudoomiyaha degmada Kaxda ayaa intaa ku daray iney saaka samaynayaan baaritaano ay ku baadi doonayaan dadkii ka danbeeyey falka lagu dilay taliyihii ciidamada nabad sugidda degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho