Muqdisho{RBC Radio} Maamulka gobolka Banaadir ayaa walaac ka muujiyey dhagxaanta waaweyn ee lagu xiray qaar kamid ah wadooyinka muhimka ah ee magaalada Muqdisho,gudoomiye ku xigheenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan Joodax ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xirnaanshaha wadooyin halbowle u ahaa isu socodka shacabka iyo gaadiidka Muqdisho.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in dhagxaanta lagu xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho iney sawir qaldan ka bixinayso magaalada,wuxuuna tilmamay in arintaasi ay magaalada u ekeysiinayso goob colaadeed oo la isku hor fadhiyo,wuxuuna cod dheer ku sheegay in arintaasi ay niyad jab ku tahay shacabka Soomaaliyeed oo mudooyinkii danbe ku naaloonayey isbedelka Muqdisho.
Warsame Joodax ayaa hoosta ka xariiqay in xiligii alshabaab iyo ciidamada dowladdu ay isku hor fadhiyeen degmooyinka magaalada Muqdisho inaan la xirin wadooyinka xiligan la jaray,wuxuuna ku tilmaamay in wadooyinka dhagxaan lagu gooyo dib u socod iyo arin aan u adeegeen horumarka ay hiigsanayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Muqdisho.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa tibaaxay in maamulkoodu uu ka shaqaynayo sidii magaalada Muqdisho ay u yeelan lahayd waji nabadeed,wuxuuna ugu baaqay madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya iney go’aan cad kasoo saaraan xirnaanshaha qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.
Wadooyin muhim ah oo Muqdisho ku yaal ayaa waxaa lagu gooyey dhagxaan waaweyn,waxaana lagu sheegay sababta loo xiray xoojinta amniga,dad badan oo Soomaaliyeed ayaa isweydiinaya sida amni uga dhalan karo dhagxaan wadooyinka lagu gooyey.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho