Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Marka oo dowladda ka dalbaday in adeegyo caafimaad la gaarsiiyo shacabka ku dhaqan SHabeelaha hoose

$
0
0

markaMarka{RBC Radio} Xaaladaha caafimaad ee shacabka ku dhaqan magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose ayaa laga dayrinayaa kadib markii dhawaan albaabada la iskugu  dhuftay Cisbitaalkii guud ee degmada Marka oo ay gacanta ku haysay Hay’adda MSF oo ku dhawaaqday iney gabi ahaanba joojisay hawlihii gargaar ee ay ka waday dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow oo warbaahinta la hadlayey ayaa ka dayriyey xaaladaha caafimaad ee soo food saaray shacabka ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose kadib markii uu xirmay Cisbitaalkii ay ka heli jireen adeegyada Caafimaad ee ay u baahan yihiin.

Gudoomiye Yariisow ayaa qaylo dhaan u diray wasaaradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya,wuxuuna ka dalbaday iney gaaraan gobolkaas isla markaane ay ka jawaabaan dhibaatada shacabka ka haysata Cisbitaal la’aanta.

Gudoomiyaha magaalada Marka ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan gobolka SHabeelaha hoose ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin ka dhashay xirnaanshaha Cisbitaalka guud ee gobolkaas,wuxuuna tilmaamay iney dhibaato ku qabaan helida adeegyada caafimaad,wuxuuna xusay iney ku qasban yihiin iney meelo fog fog ugu safraan  helida adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin maadaama uu xiran yahay Cisbitaalkii guud ee degmada Marka oo dabooli jiray baahida caafimaad ee bulshada ku dhaqan SHabeelaha hoose.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles