Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud oo kormeeray Xarumo Muhim ah oo ciidamadu ay Muqdisho ku leeyihiin

$
0
0

madaxweynaha kormeerMuqdisho{RBC Radio} Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa kormeer ku tegey xarumaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana kormeerkiisa ku wehelinayay wasiirka gaashaandhiga C/kariin Xaaji Maxamuud Fiqi,taliyaha ciidamada qaranka Soomaaliya Gen.Daahir Aadan Cilmi iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha ayaa goobaha uu kormeerka ku tagay waxaa kamid ahaa xarumaha wasaaradda Gaashaandhigga iyo xaruntii Xisbigii Kacaanka Hantiwadaaga xaruntan oo laga bedelay magicii hore ayaa waxaa loo bixiyey  Xarunta 12ka Apriil oo ku astaysan maalintii la aasaasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed bilowgii sanadkii 1960kii.

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi  wasiirka Gaashaandhigga  ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay iney soo nooleyso cududii ciidanka qaranka Soomaaliyeed,wuxuuna ka dalbaday ciidamada iney si wanaagsan u gutaan hawsha ay umadooda u hayaan.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH Maxamuud  ayaa indha indhyeeyey xarumahaas isaga oo u kuurgalay xaaladaha ciidamada iyo dayactirka lagu sameeyey xarumahaas,wuxuuna salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan SH ayaa  ku sheegay hadal uu u jeediyey ciidamada in dowladu ay daryeeli doonto ciidanka xoogga Soomaaliyeed,wuxuuna ballan qaaday in la furayo Cisbitaal lagu daweeyo ciidanka si kor loogu qaado caafimaadka ciidamada.

Xasan SH Maxamuud madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa u goodiyey kooxo uu sheegay iney xumaynayaan sharafta iyo sumcadda ciidanka Soomaaliyeed,kuwaas oo Isbaaro ku dhibaateeya shacabka,wuxuuna ballan qaaday in gacan bir ah lagu qaban doono

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles