Hargeysa [RBC Radio] Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed(Xaglo-toosiye ayaa si kulul uga hadlay booqo magaaladda Taleex uu ku tagay Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire.
Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye oo Saxaafadda kula hadlay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in gardaro iyo khalad uu degmada Taleex ku yimid kuna Joogo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire.
Dhageyso Codka Wasiir Xaglatoosiye
….””” Madaxweyne Kuxigeenka Puntland khalad iyo gardaro ayuu ku yimid Taleex kuna Joogaa taasaa khalad ahayd….””ayuu yiri Saleebaan Xaglo-toosiye.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xaglo-toosiye ayaa Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland uga digay iney ku tallaabsato tallaabo keeni karta Cawaaqib xumo iyo Xasilooni dari,waa sida uu sheegaye.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
…””Nabadgelyadu waa shey qaali ah marka ugu horeysa Puntland,waxaan uga digayaa in aaney haba yaraatee ku talaabsan tallaabo keeni karta Colaad iyo Xasilooni dari….””ayuu yiri Saleebaan Xaglo-toosiye.
Wuxuu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire uu Jawaabtiisa heli doono haddii uu booqdo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sool..
…””Hadii khaladkaas khalad kale kusii darana oo u Yiraahdo Buuhoodle iyo dhulkaasaan eegayaa dee Jawaabtiisuu la kulmayaa,wixii ka yimaadana Isagaa masuul ka ah iyo Xukuumadiisa…””ayuu yiri.
Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa booqasho ku tagay maalinimadii Isniinta degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool.
Booqashada Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland uu ku tagay degmada Taleex oo ah meeshii uu ku dhashay ayaa lagu sheegay sidii uu uga qeybqaadan lahaa Wadahadalo nabadeed oo u socda dad kasoo jeeda deegaanka.
Eedeynta loo soo Jeedinayo Puntland kuma koobna Madaxda Xukuumadda Somaliland oo kaliya,waxaa jirta in Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe uu Isaguna Si kulul u dhaliilay Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole.
Faysal Cali Waraabe ayaa ku tilmaamay Xukuumadda Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole mid Saqiiray, lagu kacsanyahay isla markaana ku koobmay magaaladda Garoowe oo kaliya.
….””” Maamulka Faroole,waa maamul Saqiiray,qiil qiilo ku jira,lagu kacsanyahay kuna soo uruuray Garoowe oo kaliya,waa uu rafanayaa wuxuuna Ciyaarayaa Kaarka Qabiilka…””ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Dadka dhaliila Siyaasada Xukuumada Puntland,waxay ku Sifeeyeen Booqashada Cabdisamad Cali Shire mid uu kalsooni kaga raadsanayo Odayaasha Beeshiisa maadaam uu rajo ka qabo in mar kale Isu soo sharaxo Jahada hada uu hayo.
Xukuumadda Puntland kama aysan Jawaabin eedaha uga Imaanaya dhanka Somaliland,waxaana muuqaneysa in Puntland Shan sano ka dib u Jeestay gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn,waxaase la Sugayaa tallaabada Booqasho ee Taleex xigi doonta.
____________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Boosaaso