AAN HORTA CIRIBTIRNO QABYAALADEYNTA,QABIILKU HA NOO DANBEEYEE !
Dr. Cabdullaahi A. Karaani
karani38@aol.com
Agoosto 29 2013
In badan iyo muddo dheer,ayaa laga hadlayey dhibaatada Qabiilka ama qabyaaladdu inoo leeyahay. Waqti badan ayaana ku lumay in lagu eedeeyo qabiilka inuu sabab u yahay dhibaatooyinka tiroda badan ee hortaagan horumarka Ummadda Soomaaliyeed. Anoo taa ka duulaya ,ayaan waxaan jecleystay inaan ka dhiibto fikradeyda arrimaha ku qoran cinwaanka sare.
Bal horta, waa in si fiican loo qeexo waxa aannu rabno in lala dagaallamo oo laga ciribtirayo bulshada soomaaliyeed dhexdeeda iyo habka waxaas loola dagaallami lahaa. Marar badan oo laga hadlayo dhibaatada qabiilku leeyahay,waxaad ila moodda in leysku qaldayo micnaha labada eray oon ku qoray cinwaanka sare, Iyadoo loo heysto iney isku micne yihiin, loona isticmaalayo sida labo eray oo leysKu beddeli karo (interchangeable words). Halkaa waxaa iiga caddaatay, in waxa la rabo in la ciribtiraa yahay, waxaan leysku raacsaneyn wuxuu yahayba. Aan ka soo qaadno,haddii waxa lala dagaallamayaa yahay qabyaaladeynta,in badan oo soomalida ahi waxay u heystaan in la ciribtirayo qabiilka ama qabyaaladda,iyadoo sidaan horay u sheegay loo haysto qabiil iyo qabyaaladeyn,labo eray oo isku mid ah. Haddaan labada eray ka wada hadalno mid waa magac oo waa qabiilka, kan kalena waa fal oo waa qabyaaladeynta.
WAA MAXAY QABIIL?
Qabiil waa urur qowsas ama beelo isugu xiran xag bulsho, dhaqaale, diin iyo dhiig . Qabiilku wuu ka sarreeyaa qoyska urur ahaan. Dadyow badan oo Adduunka ku nool ayaa soo maray heerka qabiilka oo uga gudbey heerar ka sarreeya,qaar kalena, sanooyin badan ayey weli qabiil ku negaadeen sideennoo kale iyo sida dalal badan oo ku yaal Afrika iyo dalalka carabta. Qabiilka waxaa lagu xusay quraankeenna kariimka ah,waxana loogu talogalay in leysku aqoonsado (Fiiri aayada lambar 13ban,ee SuratulXujuraat),oo haddana leysku caawiyo, isla markaana waxa wanaagsan leysku faro oo leh ALLAAH ka cabsi, horumarin, wax wada qabsi iyo deris wanaag kwd. Qabiilka marka, marna looguma talogelin in lagu hagardaameeyo inta kale oon sheegan qabiilkaaga,taasoo iyaduna xaaraan ah xag diimeed iyo xag dhaqanba.
Qabiilku dhinaca kale waa abtirsiinyahaaga ugu horraan, tan labaadna waa cinwaankaaga dhabta ah. Maanta,Qurbajoogta soomaaliyeed, markey lacag u xawilayaan qaraabadooda joogta gudaha Dalka,waxay xusaan magaca qofka qabiilkiisa markii la waayo si kaloo lacagta loo gaarsiiyo, dadkii loo diray lacagtuna wey helaan lacagta loo diray shaki la’aan! Dadka wada sheegta qabiilka ,waxa ka dhexeeya Diyada,iyo arrimo kaloo badan oo iyaga khuseeya iyadoo marar bandanna xubnaha qabiilka, laga soo aruuriyo qaaraan lagu fulinayo dano horumarineed ee u gaar ah bulshadaas.
Arrimahaas iyo arrrimo kaloo badan,oo isku xiraya bulshada ka soo jeeda isku qabiilka, waa kuwo laga gudbi doono , markii shicibka soomaaliyeed awoodo inuu gaaro ilbaxnimo wadata dhaqaale, oo uu qofkastaa ku maamulan karo qoyskiisa iyo eheladiisa,taasoo yareyn doonta baahida maanta loo nisbeynayo Qabiilka iyo isku xirnaanta inta wada sheeganeysa isku qabiilka.
Waxaa kaloo jiri doonta sidaan saadaalinayo,in soomaalidu meesheey maanta qabiil kala sheeganeyso, iney degmo ama gobol sheegan doonaan( sida waxaan ka soo jeedaa degmo ama Gobol hebel), iyadoo laga maarmi doono qabiil la sheegto,laakin taasina waxay ku xiran tahay, sidaan horay u soo sheegay bulshada soomaaliyeed oo korta oo waxyaabo badan ku tillaabsata, sida iyadoo la dagaallanta jahliga iyo saboolnimada kwd.isla markaana fahamta waxa danteedu ku jirtu.
Haddaan dib isu xusuusinno isku deyiddii ku saabsaneyd ciribtirka qabiilka, waxaa ka mid ahaa, in Xisbigii SYC-SYL(1943) ka mamnuucay xubnihiisa , in qabiil la sheegto,iyadoo aan lagu guuleysan arrintaas, waxana hubaal ah in SYL ruuxeedu isticmaali jirtey qabiilka markii ay biddo in maslaxo ku jirto, sida markii reer guuraa dagaallamay la doonayo in maslaxo la dhex dhigo, iyadoo u diri jirtey guddi ka kooban labada qabiil oo dagaallamay iyo rag kale oo ka soo jeeda qabaa’ilka kale, si nabad loo gaaro. Aragtideyda taasi waxay ahayd qabiilkii oo loo adeegsadey sida habboon iyo in fidno lagu demiyo. Xisbigii SYL(1948), wacyigelin xooogleh ayuu dul dhigay ciribtirka qabiilka, waxana ka markhaati ah qasiido aan ka xusuusto erayada lahaa :” KANI WAA MIDGAAN,KANI WAA TUMAAL WAA INAAN ILLOWNAAYE” oo uu tiriyey Halgamaa MAXAMED J.CAGMADHIGE (AUN) oo ka tirsanaa idaaradda xisbiga SYL ee Galkacyood. Tankale, sida la wada og yahay,muddadii Dawladdii Kacaanka iyadana , waxa la soo saaray sharci lagu mamnuucayey qabiilka,oo dadweynuhu aad u soo dhoweeyey sida muuqatey, waxaanaan xusuustaa ilaa imminka kobtii aan ku Xabaalnay Wasaarad ahaan,(X.X.DHIRTA IYO DAAQA), wixii noo matilayey qabiilka iyo godkii dheeraa oo aan u qodnay in lagu xabaalo! Waxaan isleeyahay labadaas jeerba waxaa la khasbayey arrin aan bulshada soomaaliyeed u bisleyn, taasoo keentay in ciribtirka qabiilka lagu guuldarreysto.
ANIGA, doodeydu ma aha midaan ku xoojinayo qabiilka,umana raadinayo qabiilka qiil, mana lihi qabiil sheegashadu waa wax xun ama wanaagsan ,laakin waxaan door biday iney habboon tahay in runta laga wada hadlo, lana sheego meesha sartu ka qurmeyso, oo markaa sida xaladdeenna runta ahi tahay leysu tilmaamo, waxaanaan soo jeedin lahaa in arrimaha noocaan oo kale ah, oo bulshadeenna si xoog ah u taabanaya laga doodo, oo misana dhabta laga gaaro. Taa weeye, waxaan maanta u doortay inaan idiinku soo bandhigo fikradda aan ka qabo qabiilka iyo dhibaatooyinka la sheego inuu inoo keenay qaran ahaan.
WAA MAXAY QABYAALADEYNTU?
Qabyaaladeyntu, waa qabiilkii oo loo adeegsadey si aan habbooneyn, si xun oo bulshada soomaaliyeed u soo jiidi karta dhibaatoyin faro badan sida dib’udhac ku yimaada bulshada dhexdeeda,fidno lagu dhex abuuro bulshada iyo is-afgaranwaa la dhex dhigo qabaa’ilka dhexdooda, dadka qaarkiis oo la takooro, iyo arrimo kaloo badan oon maslaxo ugu jirin bulshoweynta soomaaliyeed guud ahaan.
Beryihii hore, soomaalidu ma lahayn waxa loo yaqaan maamul Dawladeed, oo isu keena qabaa’ilka soomaalidu ka kooban tahay,laakin kadib markii Dawlad soomaaliyeed la unkay, soomaali ahaan Dawladdii ayaa la wareegtey maamulkii dadka iyo dalkaba. Dawladdii waxay noqotay ishii keli ahayd oo dadweynuhu fiirsanayey xag shaqo, xag waxbarasho,xag dhaqaale iyo xagga tas-hiilaad badan oo Dawladnimadu la timaado.
Markaa, ayaa waxa bilowday istuhun dadkii iyo kuwii madaxda u noqday Dawladdii, iyadoo dadweynihii ay ku dhex arkeen maamulkoodii dawladeed, waxyaabo badan oo eeyan ka filaneyn madaxdii ay u igmadeen hogaaminta DAWLADDA ,sida ukala eexashada bulshada,qaraabokiilka,musuqmaasuqa , cadaalad la ’aanta, ku takrifalka awoodda Dawladeed,keli-talinta,Xisaabtan la’aanta maamulka,boobka waxa dadweynaha ka dhexeeya,shaqooyinka Dawladeed oo qaraabada lagu soo dhoweeyo( naasnuujin) inta kalena laga fogeeyo kwd. Arrimaha aan kor ku xusay,ayaa ah waxa loo yaqaan QABYAALADEYNTA, ku milantay Dawladnimadeennii , baajiseyna horurmarkii Ummadda soomaaliyeed ku taameysey. Qabyaaladeyntu, waxay leedahay dhibaatooyin soo jireen ah iyo kuwo la bilaabmay Dawladnimadeennii. Kuwa la kawsadey Dawladnimadeennii oon kor ku tilmaamay,ayaana ka dhibaato iyo lahan badan kuwa soo jireenka ah. Dhibaatooyinka qabyaaladeyntu leedahay oo soo jireenka ah ,waxa kamid ah, iyadoo dad soomaali ah xirfadda ay barteen lagu takoorayo sida kabatolidda,bir tumidda,kalluumeysiga iyo xirfado kale oo wax tar u ah ummadda soomaaliyeed.Waxay kaloo soomaalidu isugu faani jireen laandheerinimo,taasoo ahayd qabiilkeyga ayaa ka badan qabiilkaaga taasoo keeni jirtey in cudud leysu sheegto iyo fidno ka dhex dillaacda qabaa’ilka dhexdooda. Waxaa iyana jirijirey, waxa loo yaqaan kala aargoosiga, iyo u hiillinta qofka qabiilkaaga sheegta xitaa hadduusan xaq ku taagneyn ,meeshii loo xiillin lahaa xaqa,sida diinteennu na fareyso. Sida qaalibka ah, dagaallada reer quuraaga ka dhex dhici jirey, waxay ku saleysnaayeen iyadoo lagu dagaallamo baad iyo biyo,kuwaasoo asal u ahaa nolosha runta ah ee degaanka ay ku noolaayeen.
YAA ADEEGSADA QABYAALADEYNTA?
Shaki kuma jiro, in Qabyaaladeynta ay adeegsadaan dad isticmaalkeeda dani ugu jirto, waxayna u badan tahay in iyadaas lagu raadinayo mansab siyaasadeed iyo ilo dhaqaale,sida qaalibka ahna, waxa sida xun loo Isticmaalayaa oo la soo marayaa waa qabiilka,iyadoo xubnaha qabiilka laga dhaadhicinayo in Hebel, ay ku dabafaylaan si hadhow uu iyaga keli ah ugu adeego, markuu helo mansab dawladeed. Dad badani arrimaha noocaas ah horay u soo arkeen, oo waxayba u heystaan iney iyaguna markooda, ay xaq u leeyihiin In wax loo soo boobo ama iney qeyb libaax ka qaataan waxa Dadweynaha ka dhexeeya! Qabyaaladeyntu,wey ka horreysey maamulka dawladeed sidaan horay u sheegay,illowse waxay sii xoogeysatey Dawladnimadeennii wixii ka danbeeyey,waxayna la timid habab cusub oo xirfadeysan, oo dadka daneynayaa adeegsadaan.
Maahmaah soomaaliyeed ayaa waxay tiraahdaa: OODO DHACMEED SIDEY U KALA SARREEYAAN BAA LOO KALA QAADAA- marka, sidey ila tahay Qabiilka iyo Qabyaaladeynta,waxaa soomaali sharafteedii iyo horumarkeediiba la degey, waa qabyaaladeynta ku gamuurtey maamulkeenna dawladeed, waana inaan iyadaas, horta ka sifeyno maamulkeena. Haddii sidaa la yeelona ,Dawladda iyo Dadweynuhu, wey is fahmi doonaan, tuhunkii laga qabey maamulka dawladduna, meesha waa ka bixi doonaa,markaa kadibna, waqtiga ayaa xallin doona, saamenta qabiilku, uu ku dhex leeyahay maanta shicibka soomaaliyeed. Qabiilku, sidey aniga ila tahay, wuu inala joogi doonaa muddo dheer, ee marka hore aan ciribtirno qabyaaladeynta, qabiilku hanoo danbeeyee! TALO KA SOO JEEDINTA LA DAGAALLANKA QABYAALADEYNTA.
Arrimo dhowr ah ayaan soo jeedin lahaa ,oo aan isleeyahay,waxbey ka tari karaan amaba wey fududeyn karaan la dagaallanka qabyaaladeynta ku xidideysatay bulshada soomaaliyeed, waxana ka mid ah arrimahaas kuwa soo socda:
1) Waa in ugu horraan hey’adda sharci dejintu ku tillaabsato, sharci lagu xaaraantinnimeynayo Qabyaaladeynta, sharcigaas oo lagu tifaftirayo in Qabyaaladeyntu tahay denbi ciqaab mudan.
2) Waa in laga ilaaliyo maamulka Dawladeed waxa loo yaqaan Qabyaaladeynta, sida ukala eexashada dadweynaha, qaraaabada oo lagu soo dhoweysto maamulka (QARAABOKIIL), iyo saaxiibadda oo sidoo kale waxyaabo ay dadka kale ula sinnaan lahaayeen la siiyo(Naasnuujin), Musuqmaasuqa iyo isdaba-marinta xoolaha dadweynaha (xatooyo Xoolo-dadweyne),iyo arrimo kaloo badan oo Dadweynuhu arkayo oo sida qaalibka ah lagu dhex sameeyo maamulka dawladeed. Arrimahaas oo dhammi, waa kuwo shicbi-weynuhu aammus ku daawanayo, laakin ay la wada socdaan cidda markaa loo tirinayo, waana kuwo, kala fogeyn kara maamulka dawladeed iyo Dadaweynaha sidaan horay u soo sheegay.
3) Waa in la sameeyo wacyigelin xoogleh oo ku saabsan dhibaatooyinka ay leedahay Qabyaaladeyntu, iyadoo khaasatan shaqaalaha Dawladda, dhallinta soo koreysa iyo Dadweynahaba laga dhaadhicinayo, loogana digayo, waxyaabaha xun xun oo qabyaaladeyntu bulshada soomaaliyeed u soo jiidey. Axsaabta,hadda isu diyaarineysa iney wax ka qabtaan hoggaanta Dawladnimo iyaguna waa iney xil iska saaraan la dagaallanka qabyaaladeynta.
4) Waa in si degdeg ah loo xirgeliyaa GUDDIGA LA DAGAALLANKA MUSUQMAASUQA , oo ku qoran Dastuurka,(fiiri qodobka 111C ), waana in madax-bannaaninta loo igmaday guddigaas, laga rumeeyo, si uu guddigu u noqdo mid shaqadiisa fulin kara caqabad la’aan.
FAALLO KOOBAN EE KU SAABSAN QORAALKA SARE:-
Qoraalka sare, wuxuu tilmaamayaa sida loo heysto micnaha labada eray oo kala ah qabiilka iyo qabyaaladenta. wuxuu kaloo qeexayaa in waxa la degey bulshada soomaaliyeed ay tahay qabyaaladeynta, ee eeyan ahayn qabiilka ama qabyaaladda loo sameeyey in leysku aqoonsado sida quraankeena lagu tifaftiray. Qabyaaladeyntu waa qabiilkii, oo loo isticmaalay si aan habbooneyn,waxayna bulshada soomaaliyeed u keentay dhibaatooyin farobadan, sida dib-u -dhac siyaasadeed mid dhaqaale , nabad la’aan , tafaraaruq bulsho , is-aamin la’aan,qoloqoleysi iyo isneceyb joogta ah ee bulshada dhexdeeda ka dhaca iyo arrimo kaloo badan oo ragaadiyey horumarka soomaaliyeed.
Qabyaaladentu, intii muddo ahba, waxay soo xuleysey maamulka Dawladeed, Bulshada soomaaliyeedna, sida la wada og yahay,waxay u harraadan tahay in laga dulqaado iyadaas oo sabab u ah jahliga,saboolnimada iyo caafimaad darrida ku baahsan Dalkeenna beled iyo baadiyaba.
Dhowr arrimmod ayaan u arkay in lagu ciribtiri karo Qabyaaladeynta ku baahdey ummaddeenna iyo maamulkeenna Dawladeed. Haddii Dawladu arrimahaas iyadoo la kaashaneys Shicbigeeda ay isku daydo iney wax ka qabato, shaki kuma jiro in Dalkeennu gaari doono meel sare ,oo ka fog meesha maanta xaalkeennu marayo, taasoo aan ka baryeyno ALLAHA weyn, inuu noo fududeeyo oo nagu kaalmeeyo. Aamiin.
Waxaa soo diyaariy qoraalka sare iyo faallodaba,
Dr. A. Karaani.
=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM