Faroole ha loogu shubo, Xamar aan ka badbaadnee
Cumar Ayuub
ayuub-c@hotmail.com
Agoosto 29 2013
Sida dad badan aaminsanyihiin dowlad-ku-sheega Xamar haatan ka jirta in ay tahay dowladii ugu danbeysey oo Soomali wada sheegato hadii loo daayo Xassan Culusow in uu waqtigiisa dhameysto. Taasi waa marqaati ma doonto oo meelihii fara ku tiriska ahaa oo dowlada loo nisbeynayey baa mucaaradnimo, dagaalo, iyo qeylo maalin walba ka taaganyihiin. Waxaad u maleysaa Dowlad-ku-sheega in uu wacad ku maray in meelaha nabdoon uu ka kiciyo qalalaaso siyaasadeed iyo mid dagaal. Show dowlad-ku-sheega qandaraas bey ku qaadatay in Soomaliya sii kala furfurato. Shirkii la aadaba ciyaalka xaafada Xamar baa suityo soo xirta, shirarkii caalamiga bey mareysaa in macawiso looga qeybgalo, wax protocol ah iyo heybad dowladeed oo ka muuqdo ma jirto, bililiqadii berisamaadkii Xamar ka jirtay baa la qarameeyey. Mooryaantii dadka shalay wadooyinka ku baaranayey baa la yiri hoo dharkaan cusub xirta, xafiiskaana ka shaqeeya. Bal Xassan Culusow ma wuxuu Soomali ka waayey dad aqoon iyo xirfad leh oo qabiil walba ku jira?
Dowlad-ku-sheega ahmiyadeeda koowaad waa xagaldaacin iyo qabta maqashii waxna ha u qaban. Mabaa’diideeda waxaa ugu weyn niyad jabin iyo xiisad abuur. Dowlad-ku-sheega saas u dhaqmaya uma baahna baryo iyo walaaltinimo, waxay u baahantahay axad adag oo abaalkeeda mariya runtana u sheega. Waxaa haatan xaqiiqa ah madaxweyne Axmed Islaan oo intaas oo bilood baryayey dowlad-ku-sheega muxuu kala kulmay oo aan aheyn sharaf daro iyo ceeb.
Inkastoo reer Puntland ay jeclaan lahaayeen nin dagan oo furfuran in uu madaxnimada qabto hadana waxaad moodaa in Soomaliya ay marxalad dagaal ku jirto. Sideedaba caalamka hadii uu wadan dagaal ku jiro ninka markaas madaxda ah lama badalo maadaama uu madaxweynaha xilka haya uu wax badan iyo sirar badan uu xogagaal u yahay, meelaha la kala jooga yaqaan, quwadooda iyo tan cadowgaba u qiyaasantahay. Hadii qof cusub la keeno barashada intaas oo shey iyo in ka badan waqti badan baa ku lumaya ayada oo laga yaabo in natiijada dagaal saas looga guuleysto. Hadeer nimanka Faroole kula tartamaya jagadaan waa dad raba in Xamar ula macaamilaan sida Axmed Islaan. Waa dad raba in xataa shahaado dugsiyeedka looga soo saxiixo Xamar si loo aqoonsado, waa dad raba in ciyaalka lagu guro basas si Xamar baasabooro looga jaro, iwm.
Waxaan xildhibaanada cusub kula dardaarmayaa in Faroole ugu shubaan maadama wadanku marxalad dagaal ku jiro. Maalin dhaweyd caalamka dhan waa u jeedey dowlad-ku-sheega waxa farxad ka jirtay markii ay maqleen Puntland dagaal baa ka curtay, wixii idaacad iyo teleefishin ay lahaayeen waa ayaga Qardho isku shubay ayada oo xataa hal masuul ka waraysan Garowe. Faroole waa madaxii ugu horeeyey oo gartay qiyaanada dowlad-ku-sheega oo idibada u siibay oo aqoonsigii kala laabtay. Waa madaxii ugu horeeyey cunta colaadeedka ka celiyey dekada Boosaaso, waa madaxii ugu horeeyey oo qeylodhaan ka soo saaray xoolaha umada oo Xamar lagu qeybsado hadii ay waxbarasho tahay iyo caafimaadba. Waa madaxii ugu horeeyey oo ku marqaati furay dowlad-ku-sheega in uusan aaminsaneyn ‘Federalism’ oo ay rabaan wixii Soomali qaxooti ka dhigay ‘Centralism.’
Cumar Ayuub
ayuub-c@hotmail.com
—————————-
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM