Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shir looga hadlayey dib u dhiska iyo xoojinta DFS oo lagu soo gabagabeeyay magaaladda Addis Ababa[Sawirro]

$
0
0
Xubnihii shirka ka qeyb galay

Xubnihii shirka ka qeyb galay

Addis Ababa[RBC Radio]Magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa lugu soo af-meerey shir muddo saddex maalin ah looga hadlayey dibu dhiska iyo xoojinta dowladda faderaalka Soomaaliya,waxaa la isku tusaaleyey habka xiligan ugu dhow ee xukuumada xiligan jirta isbadal badan ay usameen karto.

Shirkaan waxaa ka qeyb galey oo qoddabadi laga hadlayey ka doodayey aqoonyahanno , khuburro caalami iyo siyaasiyin.

Arrimaha sida weyn looga hadley waxaa ka mid ah sidii dowladda xiligaan jirta ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xassan Sheekh ay cagaheeda isugu taagi laheeyd.

Dhinacyadda shirkaan ka qeyb galey waxaa ay caddeeyen in dowladda ay ubaahantahay taageero ay ka heesho caalamka,gacanna lugu siiyo arrimaha xiligaan horyaala ee fududeenkara inay isku filnaasho ay garto.

Waxaa sidoo kale laga hadley sababaha xiligaan kentey in dowladdu ay ku guulesan weydo in dalka laga hirgaliyo amni buuxo oo cago-fadhiya,balse waxaa la isla gartey inay jiraan caqabado baddan oo xiligan horyaala dowladda taasina ay adkeyn karto in si fudud loogu guulesto in dalka uu ka hirgalo amni buuxa.

Sidoo kale waxaa iyana la isla soo qaadey in loobahan yahay in dowladda xiligaan jirta laga gacansiiyo sidii uu dalka uga hirgalilaha nidaam fududeeya in guud ahanba dalka uu naqdo mis xasiloon,waxana la sheegey taasi inay sameen karin oo kaliya dowladda balse loo bahan yahay in laga gacan siiyo sidii ay ugu guulesan laheed.4

Gaba gabadii shirka ayaa dhinacyadii ka qeyb galayey waxaa ay soo bandhigeen talooyin ay u jeediyeen DFS kuwaaso ku aadan sida ay ugu gudbi karto caqabadaha xiligaan horyaala ee kalifaya inay wali sii socdaan wixii dalka horey ugu jirey.

Sidoo kale dowladda waxaa loogu baaqey inay wada-sheyn dhow la yeelato maamuladda ka jira dalka,si ay u dhalato in la iska gacansiiyo arrimaha marka taagan.

Dhinacyadii shirkaan ka soo qeyb geley waxaa kalo ay beesha caalamka ugu baaqen inay sii wado taageerada ay siiso soomaaliya si looga baxo dhibaatadda taagan muddada 22-sano ah.

Shirkaan waxaa uu qeyb ka yahay shirar la doonayo in looga hadlo arrimaha xiligaan ka jira guddaha dalka iyo sida looga samatabixi karo.

2

 

4

___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles