Boosaaso[RBC Radio]Ku dhawaad nus bilyan shilinka Soomaaliga ayaa la xukumay in la gubo,lacagtaan ayaa ahyeed mid been abuur ah ayna soo qabteen ciidamada ammaanka Puntland.
Wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa maal mihii ugu danbeeyey digniino ka bixineysey lacago been abuur ah,taaso la sheegey inay si xoowli ah usoo gashey suqyadda deegaanada Puntland.
Puntland waxaa ay sheegtey in lacagtaan been aburka ah laga keeno gobollada koonfured ee dalka,halkaaso la sheego in lugu soo sameeyo.
Waxana la caddeyey in suuqyadda deegaanada Puntland ay lacagtaan soo galiyaan ganacsato reer Puntland,kuwaaso ka macaashaya lacagtaan been aburka ah.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda, Bashiir Ismaaciil Axmed ayaa amray in la gubo lacagta oo dhan ku dhowaad nus bilyan shilinka Soomaaliga, taas oo lagu hayay bangiga maamulka qeybtiisa gobolka Bari.
Sidoo kale maxkamaddu waxaa ay amartey ciidamada amniga Puntland inay indho dheer ku eegan lacagtaan been aburka ah oo wali ku jirta suuqyadda Puntland.
Sidoo kale waxaa looga digey ganacsatadda inay isku dayaan inay fududeeyan in lacagtaan ay soo gasho suqaydda gobollada Puntland.
Ma ahan oo kaliya waxaa lacagtaan been aburka ah ka diga Puntland balse waxaa jirta in qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka ay inbadan ka cawdeen lacagtaasi.
__________________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio