Beijing [RBC Radio]Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in dalkiisu uu istaagi doono sidii ay ugacan qaban lahaayen dalka buurbuurka wali kujira ee Soomaaliya.
Wang Yi waxaa uu si cadd u sheegey inay wax u dhimeen arrimaha xiligaan ka jira Soomaaliya xiriirka ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya,waxana uu intaa ku darey in uu labadda dalka ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo soo jiren ah,marwalbana lugu dadaali doono sidii uu xiriirka usii jirilaha.
Hadalkaan wasiirka ayaa yimid kadib markii dalkaas ay booqosho ku tagtey Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah wasiirka arrimaha debeda iyo Iskaashiga Soomaaliya,iyadoona la kulantey masuuliyin dalka ka tirsan.
Waxana ay Marwo Fowsiyo kulan la qaadatey dhigeeda dalka Shiinaha oo ay isla soo qaaden arrimo dhor ah oo ay ugu weyntahay xaaladda xiligaan ka jirta guddaha Soomaaliya.
Kulanka labadda wasiir ayaa ka dhacay magaalada Beijing ee xaruunta dalka Shiinaha,waxana si qoto dheer ay ugu lafa gureen wada-shaqeynta labbada dal.
Wasiirka arrimaha debeda iyo Iskaashiga ee Soomaaliya ayaa kulankaan wuxuu qeyb ka ahaa safarkeeda dalka Shiinaha oo maanta soo dhamaanaya, waxaana labbada wasiir ay isla gaareen balan-qaadyo waa weyn.
Wasiirka arrimaha debeda ee dalka Shiinaha Mr Wang Yi, wuxuu si buuxda u sheegay dhibaatada ka jirta Soomaaliya in aysan saameyn ku yeelan doonin xiriirkii soo jireenka ahaa ee labbada wadan, wuxuu intaas ku daray balan-qaadyo dhinaca horuamrinta ah.
Waxana uu sidoo kale soo hadal qaadey in xiligan Shiinuhu uu soo noolen doono xiriirka ay Soomaaliya la lahaayen ee quseeyey dhanka dhaqaalaha.
Mr. Yi wuxuu xusay in dowladda Shiinaha ay qaarada Afrika ugu talo-gashay $20 Bilyan oo lagu bixinayo horumarinta afrika saddexda sano ee soo socota, lacagtaas ayaa qeybta Soomaaliya wuxuu ku sheegay mid lagu salayn doono baahida jirta, Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Shiinaha ay bixin doonaan dhaqaale dheeraad ah oo ay ku taageerayaan horumarinta Soomaaliya.
Wasaarada arrimaha debeda ee dalka Shiinaha waxay faah faahin ka bixisay horumarinta ay u qorsheeyeen Soomaaliya oo inteeda badan lagu salayn doono, dhinacyada tababarka shaqaalaha dowlada, deeqaha waxbarasho,dhismayaasha jidadka,Buundooyinka iyo in ay kooxo caafimaad u soo diraan Soomaaliya muddo dhow.
Taageeradda uu xiligaan balan qadey dalka Shiinaha ayaa la sheegay inay wax badan ka badali doonto baahiyaha asaasiga ah ee ka jira guddaha Soomaaliya
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio