Muqdisho{RBC Radio} Sida maanta lagu daabacay Bogga Enternet-ka ey ku leeyihiin taliska ciidamada nadad ilaalinta ujooga wadanka Soomaaliya ee AMISOM waxaa magaalada muqdisho soo gaaray 800 oo ka tirsan ciidamada wadanka Burundi
Ciidamadaan maanta ka soo degey garoonka diyaarada Muqdisho ayaa la sheegay in ay bedel u yihiin ciidamo horay looga qaaday magaalada Muqdisho, kuwaas oo 26kii bishaan ka duulay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde,waxayna dib ugu noqdeen wadanka Burundi.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa tilmaamay in ay ciidamadani bedel u noqon doonaan ciidamo horay looga qaadaya magaalada muqdisho oo dib loogu celiyay wadanka Burundi.
Wasaarada arimaha dibada dalka Burundi ayaa sheegtay in 26kii bishaan ay wadanka Soomaaliya kasoo qaadeen 800 oo askari ayna dib ugu celiyeen dalka Burundi, waxayna wasaaradu Sheegtay in ay ciidamadaan cusubi bedeli doonaan kuwii horey looga qaaday wadank Soomaaliya si aysan uga faa’idaysan kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumanaya gudaha wadanka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho