Muqdisho{RBC Radio} Kulan looga hadlayo sidii loo adkay lahaa ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa hadda ka socdo magaalada muqdisho ujeedada kulanka ayaa ah sidii ay isku fahmi lahaayeen Shacabka iyo ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaana Soo qabanqaabiyay taliska ciidanka Booliska Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galaya xubno ka socda Wasaarada arimaha gudaha,masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir,Saraakiisha ciidamada Booliska,Ardayda Dugsiyada,kuwa jaamacadaha,ururada Bulshada Rayidka, UruradaHaweenka, ururka,Dhalinyarada Soomaaliyeed Xildhibaano iyo 17ka gegmo ee gobolka Banaadir.
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Saacid oo ka hadlay madasha ayaa ka dhalbaday Shacabka Soomaaliyeed in ay ka gacansiiyaan sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka magaalada Muqdisho,wuxuuna tilmaamay in uu ammaanku ku jiro gacanta Shacabka Soomaaliyeed.
Gen.ka ayaa ka dalbaday qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Ururada Haweenka kuwa Dhalinyarada Ardayda Dugsiyada kuwa Jaamacadaha iyo dhamaan Shacabka ku nool xaafadaha muqdisho in ay ka gacan siiyaan sidii ay u xaqiijin lahaa ammaanka Muqdisho.
Waxaa sidoo kale ka hadlay goobta Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha gudaha Jaamac Oday wuxuuna tilmaamay in ay wasaaradiisu jeceshahay in ay Shacabku kala qaybqaataan laamaha ammaanka sugida nabadgalyada magaalada muqdisho.
Kulamadaan is daba jooga ah ee looga hadlayo adkaynta nabadgalyada magaalada Muqdisho ayaan la’ogeeyn waxa ay ku soo kordhin doonaan amaanka Muqdisho
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho
.