Addis Ababa[RBC Radio]Xilli muddooyinkii ugu danbeeyay uu jiray khilaaf iyo is-jiidjiid xooggan oo ku aaddan shir magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya oga socday, ayaa wararka Raxanreeb ay helayso waxaa ay soo sheegayaan in is-afgarad iyo heshiis laga gaaray qodobadii lagu muransanaa.
Magaalada Addis ababa gaar ahaan hoteelkii uu shirka muddada toddobaadyadaa ka socday ayaa laga soo sheegayaa in dhinacyada shirkaasi uu u dhexeeyay ay soo afmeereen qodobbo maalmahan muran xooggani uu ka jiray.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Axmed C/salaan X Aaden, ayaa warbaahinta afka dawladda ku hadasha u sheegay in la soo gabagabeeyay qodobadii ay isku maan-dhaafsanayeen DF ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, haatanna loo diyaar garoobayo saxiixa qodobadaas.
Danjir C/salaan, ayaa sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in heshiis buuxa oo is-afgarada dhinacyadu ay gaareen ka dib doodo iyo is-fahan waa maalmihii danbe ka dhextaagnaa, kaasoo salka ku hayay dhismaha maamul goboleedka Jubbaland.
Qodobada ugu miisaanka culus ee heshiiska ka dhex muuqda ayaa ka mida in maamulka Jubbaland muddo lix bilood ah ay maamusho ilaha dakhliga sida garoonka diyaaradaha iyo dekadda, taasoo meesha ka saaraysa is-marin waa muddo laga qabay maamulidda dakhliga Kismaayo.
Ergada dawladda Soomaaliya ayaa iyagu ka tanaasulay qodobo, ka dib markii cadaadis dib-lumaasiyadeed ay kala kulmeen beesha caalamka si loo fududeeyo wada-hadalada, waxaana ergada Df ay ka tanaasuleen qodobo ay horay ugu dhaganaayeen.
Doodihii ugu kululaa ayaa ahaa kuwo shalay dhex maray dhinacyada heshiiska, kuwaasoo mararka qaar ku siganayay in shirkaba uu istaago.
Heshiiskan laga gaaray shirkii Addis ababa ayaa meesha ka saaraya khilaafaad siyaasadeed oo ka taagnaa dhismaha mamaulka Jubbaland, waxaana arimahaas qayb weyn ka ahaa dawladda Keenya iyo Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee hadda waxaa la sugayaa saxiixa dhinacyada heshiiskaasi ku gaaray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.
________________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio