Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Afhayeen Cabdiquduus oo ka Waramay hadafka Musharax Abdi Warsame (Daawo)

$
0
0
Afhayeenka ololaha Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Degmada 6’aad  Abdi Warsame,  Abdulqudus Donyale

Afhayeenka ololaha Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Degmada 6’aad  Abdulqudus Donyale

Minneapolis: Afhayeenka ololaha Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Degmada 6’aad, ayaa waraysi xasaasi oo dhinacya badan taabanaaya la yeeshay mid kamid ah televisionada Somaalida ee Soma TV, gaar ahaan barnaamijka Askar iyo America. Afhayeenka ololaha, Mudane Abdulqudus Donyale ayaa ah aqoonyahan gaaray ilaa Masters Degree, kuna takhasusay maadooyinka dhaqaalaha iyo maaraynta ganacsiga. Afhayeenka ayaa sidoo kale kamid ahaa aa’saasayasha idaacada Somali Public Radio oo ah idaacada maxali ah oo laga dhagaysto Gobolka Minnesota iyo Gobolada Sanaag iyo Haylaan ee Degaanada Puntland.

Mar la waydiiyey ololahani wuxuu yahay iyo micnaha uu u leeyahay shaqsi ahaan ayaa wuxuu yiri; “Ololahani ayaa ah olole lagu baadi goobayo rajo, ololahani ayaa ah olole wacyi galin ah ololahani ayaa ah olole isbadal doon ah. Ololahani ayaa aasaas u ahayd riyo. Dhalinyaro somaaliyeed ayaa waxay ku riyoodeen inay wax ka badalaan nolosho shacabka degmada lixaad. Waxa ay ku riyoodeen in ra’yiga mujtamaca somaaliyeed, ra’yiga East Afrikaanka, ra’yiga Muslimiinta ay geeyaan goobaha lagu falanqeeyo siyaasada, dhaqaalaha iyo awood qaybsiga magaalada Minneapolis. Waxa ay ku riyoodeen in ay ka taliyaan aayaha mustaqbalkooda iyo kan bulsha waynta.”

Mar la waydiiyey sida uu u arko ninka kasoo horjeedo oo lagu magacaabo Robert Lilligren iyo dad Somaali oo la sheegay in isaga u shaqeeyaan qaar kalana uu tartanka soo galiyey ayuu wuxuu ku jawaabay; “Waan aragnay dad Somaali oo ku doodaayo in hadii Rober dib loo doorto uu wax qabad balan qaadayo. Waxay isoo xasuusiyeen, ninkii hada kahor lugu yiri dooro ama chicken cun vitamin bay leedahay. Markaasu yiri mineey dooro vitamin leedahay lugaheedaan ka arki lahayn. Robert taariikhdiisu waan aragnaa, hadii uu wax qabanaayo 12 sano uu kursiga ku fadhiyey ayuu wax qaban lahaa. 12kaasi sano, imisa caruur baa cadaalad daro naloogo xiray, imisa caruur baa nalaga dilay oo cidii dishay maxkamad la horkayn waayey. Odayaashayni waxaa lugu dhibaa public housinka uu isaga xukumo. Hooyooyinkeena xijaaban waxaa lugu dhibaa airporska uu isaga saamayn ku leeyahay.”

Daawo Waraysigii oo dhamaystiran:

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles