Muqdisho{RBC Radio}Shirkad cusub oo dhalindoonta korontada ayaa laga hawlgeliyay magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya,taasi oo lagu magacaabo Tekno-Power waxaana ka soo qayb galay xaflada furitaanka shirkadda masuuliyiinta Shirkadda iyo madax ka socotay Wakaaladda Xooga Korontada Soomaaliya.
Furitaanka Shirkaddaan cusub oo muqdisho laga hirgeliyay ayaa waxa lagu soo bandhigtay Matoorro casri ah oo ay ku hawlgeli doonto.waxayna Sheegeen masuuliyiinta shirkaddu in ay wax badan ka bedeli doonaan awood ayida koronto ee muqdisho ka jirto.
Masuulka ugu sareeya shirkadda Tekno-power Maxamed Daahir ayaa tilmaamay in ay jeclaysteen ka qaybqaadashada dib u dhiska dalka iyo bilic soo celinta caasimada Soomaaliya wuxuuna Sheegay in shirkaddooda ay ka hawlgeleyaan injineerro Soomaali iyo Ajinabi ah kuwaas oo qibrad buuxda u leh sida loo dhaliyo Korontada.
Waxaa sidoo kali madasha ka hadlay C/raxmaan Sayid Axmed oo ka tirsan masuuliyiinta wakaaladda xooga korontada dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo in la hormariyo korontada wadanka Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay Shirkadda in ay wax waayn ka bedesho koronto yarida ka jirto dalka Soomaaliya.
laga soo bilaabo sanadkii 1991dii burburkii dowladii dhexe ee wadanka Soomaaliya waxaa meesha ka baxay awoodii ay leheed wakaaladii xooga korontaddadalka,iyadoo wixii intaa ka danbeeyey ay ka bilaabatay magaalada Muqdisho shirkaddo yaryar oo korontadda si gooni gooi ah u siiya degmooyinka gobolka banaadir
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho