Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Cabdi Bari Cadwaan: Suuriya 48 Saac Kadib Waa La Weerarayaa, Cabsi Laga Qabo Dagaalkii 3aad Ee Adduunka

$
0
0

syriaLondon (RBC) Tifaftiraha mid ka mid ah wargeysyada ugu caansan dunida Carabta Cabdi Barri Cadwaan ayaa sheegay in 48 saac ee soo socota ay tahay mid isbedel weyn ku keeni karta taariikhda Bariga Dhexe iyo dunida Carabta oo dhan.

Cabdi Barri Cadwaan ooah tifaftiraha wargeyska Qudus Al Carabi oo ah wargeys lagu daabaco London kuna soo baxa afka Carabiga ayaa boggiisa Facebook wuxuu ku qoray in 48 saac ee soo socota la weerari doono dalka Suuriya.

“Madaxweyne Obama wuxuu waqti xaadirkan la kulansan yahay saraakiisha ciidamadiisa iyo kuwa siyaasadda, waxaana laga yaabaa inuu qaato go’aan ah in la duqeeyo Suuriya isagoo aan sugin go’aanka baarayaasha Qaramada Midoobay ee hubka kiimikada ee ku sugan Suuriya.” ayuu ku yiri boggiisa Facebook.

Waxay u badan tahay in Mareykanka uusan sugin fasax kale oo ay qaataan go’aan deg deg ah oo lagu weeraryo Suuriya, waxaana weerarka ugu horreeya uu noqon karaa mid lagu beegsanayo garoomada diyaaradaha iyo xarumaha militariga dawlada madaxweyne Bashar al Asad ee wadanka Suuriya.

Haddii dagaalkan uu qarxo waxaa cad in wadamada xulufada la ah madaxweyne Asad sida Ruushka, Iran iyo China aysan faraha ka laaban doonin, taasina waxay suurtagal ka dhigetysaa in dagaalkii 3aad ee waxa loo yaqaano ADDUUNKA uu qarxo, kana bilawdo Bariga Dhexe, sidaasi waxaa sheegay tifaftiraha wargeyska Qudus Al Carabi.

Xakly dood ka baxday telefishanka France 24 ee dalka Faransiiska ayaa waxaa lagyu tilmaamay in ciidanmada difaaca cirka ee Madaxweye Aasad ay yihiin kuwo xoogan, isla markaana Mareykanka oo kaliya uu yahay wadanka u babac dhigi kara inuu weeraro markaasi kadibna dawladaha kale sida Faransiiska iyo Ingiriiska ay gadaal kaga soo biiri doonaan.

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles