Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Shiinaha oo rajo xumo ka muujiyey suurta galnimada in Shiinuhu uu ka qayb qaato dib u dhiska Soomaaliya

$
0
0

raxMuqdisho{RBC Radio} Safiirkii hore ee dowladda Soomaaliya u fadhiyey dalka Shiinaha Maxamed Cawil oo ka jawaabayey warka  kasoo baxay dowladda Shiinaha ee ku saabsan iney ka qayb qaadanayso dib u dhiska dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay ineysan suurta gal ahayn in xiligan dowladda Shiinuhu ay ka qayb qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Dimlamaasigan ayaa sababo dhowr ah u aaneeyey iney caqabad ku noqon karto iney dalka yimaadaan qubaro  u dhalatay dalka Shiinaha oo Soomaaliya ka fuliya Mashaariic kala gadisan,Maxamed Cawil ayaa u cuskaday raja Xumadiisa arimo ay ka mid yihiin amni xumada xiligan dalka ka jirta gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Wuxuuna tilmaamay in hadii aan la helin amni ineysan sinnaba u suurta galeen in la hirgaliyo Mashaariicda ay ballan qaaday dowladda iyo Shirkada dalka Shiinuhu,isagoona xusay iney maanka ku hayaan dhibaatadii ba’need ee Shiinaha loogu geystay gobolka Soomaalidu dagto ee dalka Ethiopia halkaas oo lagu weeraray Injineero Shiinays ah oo shidaal ka baarayey gobolkaas.

Shiinaha ayaa weerarkaas ku waayey Injineero fara badan,Maxamed Cawil ayaa aaminsan in waqti xaadirkan aysan dhici karin in aqoonyahanno u dhashay dalkaas ay Muqdisho  yimaadaan si ay Mashaariic uga fuliyaan.

Wasiirka arimaha dibadda dowladda Soomaaliya  ahna R/wasaare ku xigeen Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ku sugan caasimadda dalka Shiinaha ayaa madaxda dalkaas kala hadashay iskaashiga labada dal iyo sidii Shiinuhu uu kaalin muuqata uga qaadan lahaa dib u dhiska dalka Soomaaliya.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles