Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Amniga Magaalada Mombasa oo si weyn loo adkeeyey iyo alshabaab oo laga cabsi qabo iney weeraro ka geystaan

$
0
0

mombasaMombasa{RBC} Saraaakiisha ciidamada amniga dalka Kenya ayaa sheegay iney xoojinayaan amniga magaalo Xeebeedka Mombasa,Saraakiisha ciidamada booliska dalkaas ayaa sheegay iney heleen macluumaad muujinaya iney jirto halis kasoo fool leh kooxo argagixiso ah oo xiriir la leh alshabaabka Soomaaliya.

Madaxa booliska gobolka Xeebta dalka Kenya Andrew Adolly oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay iney heleen warar sirdoon ah oo sheegaya iney socdaan abaabul ay wadaan kooxo uu ku tilmaamay iney argagixiso yihiin kuwaas oo sida uu sheegay qorsheynaya weeraro ay ka geystaan magaalo Xeebeedka Mombasa.

Andrew ayaa ugu baaqay shacabka dalkaas gaar ahaan bulshada ku nool magaalada Mombasa iney ka feejignaadaan weerarada ay maleegayaan kooxaha argagixisada ah ee sida uu sheegay doonaya iney dhibaato ka geystaan gudaha  dalkaas,wuxuuna xusay in ciidanka amniga Kenya ay heegan ku jiraan isla markaane ay ka hortagi doonaan isku day walba oo la doonayo in lagu dhibaateeyo amniga shacabka dalkaas.

Taliyaha ayaa tibaaxay iney hayaan macluumaad la xiriira in rag hubaysan oo ka tirsan alshabaab ay ka gudbeen xuduudka kala qaybiya Soomaaliya iyo kenya kuwaas oo gudaha u galay magaalada Mombasa,madaxa booliska gobolka xeebta ayaa intaa ku daray in ragga ka tirsan alshabaab ee gaaray magaalada Mombasa ay la boheebeen koox kale oo xag jir ah kuwaas oo sida uu sheegay qorsheynaya iney weeraro ka geystaan magaaladaasi.

Maanta ayey  ku astaysan tahay  markii sanad ka hor  bartamaha magaalada Mombasa lagu toogtay Wadaadkii  caanka  ahaa ee Axmed Aboud Roggo Maxamed  oo taageersanaa fikirka alshabaab,dilka wadaadkaas ayaa waxaa ka dhashay rabshado hareeyey magaalada Mombasa kuwaas ood ad badan ay naftooda ku waayeen.

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles