Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Faysal Cali Waraabe oo Puntland ku eedeeyey iney Daandaansanayso Soomaaliland

$
0
0

faysal cali waraabeHargeysa{RBC Radio} Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee Ucid Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa eed kulul u jeediyey maamulka Puntland Faysal Cali Waraabe ayaa ku tilmaamay daandaansi qaawan booqashada uu magaalada Taleex ee gobolka Sool ku tagay madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Gen. C/samad Cali Shire.

Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay iney qalad tahay in masuul ka tirsan maamulka Puntland uu gudaha usoo galo deegaanada Soomaaliland sida uu sheegay,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in tallaabada madaxweyne ku xigeenka Puntland kuu ku booqday degmada Taleex ay tahay mid dhaawacaysa qaranimada Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in xuduudaha Soomaaliland ay  25% baylah yihiin oo aysan jirin cid koontaroosha waxa soo gala iyo waxa ka baxa,wuxuuna  ku baaqay in awoodda maamulka lagu baahiyo guud ahaan deegaanada Soomaaliland ee ka maqan gacanta maamulkaas.

Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay golaha guurtida maamulka Soomaaliland iney u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa Soomaaliland oo sida uu sheegay ay kusoo fool leeyihiin qataro waaweyn,wuxuuna tilmaamay in hadii aysan isku tashan reer Soomaaliland una  guntan sidii ay dhulkooda u hanan lahaayeen ay dhici doonto in ciidamada AMISOM lagu qabsan doono  magaalooyinka Hargeysa iyo Burco sida uu hadalka u yiri.

Dhanka kale wasiirka arimaha gudaha maamulka Soomaaliland ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamka ay u sheegayaan in Puntland ay qaadi doonto cawaaqib xumada ka dhalata booqashada  madaxweyhe ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire.

Soomaaliland iyo Puntland ayaa waxaa ka dhexeeya muran salka ku haya gobolada Sool iyo Sanaag oo mid walba uu ku doodayo inuu isagu xaq u leeyahay maamulkooda,waxaana muuqata in booqashada madaxweyne ku xigeenka Puntland ay cirka kusii shareerayso khilaafaadka ka dhexeeya labada Maamul.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles