Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudiga Amniga,Arimaha gudaha iyo dhisida Maamulada dalka baarlamaanka Soomaaliya oo difaacay Dhagxaanta lagu gooyey qaar ka tirsan wadooyinka Muhimka ah ee Muqdisho

$
0
0

daahir amin jeesowMuqdisho{RBC Radio} Gudiga amniga,arimaha gudaha iyo dhisida maamulada dalka ayaa difaacay tallaabada qaar ka mid ah wadooyinka muhimka ah ee magaalada Muqdisho dhagxaanta waaweyn loogu gooyey,gudoomiye ku xigeenka gudigaas Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa qeexay sababta  wadooyinkaas halbowlaha u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Muqdisho loo xiray.

Xildhibaan Daahir Amiin jeesow ayaa sheegay in gudigoodu uu ka war hayo xirnaanshaha Labo wado oo kala ah wada ka timaada Tarabuunka ee hormartay Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho iyo wadada kale ee aadda garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha gudaha baarlamaanka Soomaaliya Daahir AMiin Jeesow ayaa tilmaamay in sababta loo xiray wadada Hor marta Safaaradda Turkiga iney tahay adkaynta amniga Safaaradda oo uu sheegay iney bartilmaameed noqotay,wuxuuna xusay in Turkigu uu yahay dalkii u horeeyey ee usoo gurmaday shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna tibaaxay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba raali ka noqoneen in la dhibaateeyo.

Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed uu gudiga u sheegay in Safaaradda laga rari doono goobta ay xiligan ku shaqayso lana geyn doono goob ka amni wanaagsan kadibne wadada la furi doono.

Xildhibaan Daahir ayaa dhanka kale ka hadlay xirnaanshaha wadada Xiriirisa Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo KM4,wuxuuna sheegay in wadadaas loo xiray hawlo dayactir ah oo ka socda sida uu sheegay,isagoona intaa ku daray in marka uu dhammaado dib u dhiska lagu samaynayo wadadaas  dib shacabka loogu furi doono.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles