Beledweyne (RBC) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ay gaareen deegaanka Deef oo 40km u jira magaalada Beledweyne halkaasoo toddbaadkan horraantiisa dagaal uu ku dhexmaray labo maleeshiyo beeleed.
Masuuliyiintan ka tagtay Beledweyne oo ay la socdeen ciidamo ayaa waxay kala dhex galeen maleeshiyaadkii dagaalamay iyagoo kala qaaday. Waxaana wadahadalkii ugu horreeyay uu ka dhacay isla deegaanka Deef oo markii hore dirirtu ay ka bilaabatay.
Saraakiisha maamulka gobobolka Hiiraan ka tirsan ayaa sidoo kale booqday dhul beereed la sheegay in colaada labada beelood ay ka kacday iyadoo la joojiyey murankii ku saabsanaa dhulkaasi.
Colaadan ka dhacday deegaanka Deef ayaa waxaa ku naf waayey dad illaa 9 ruux gaaraya halka ay ku dhaawacmeen labaatameeyo ruux oo ah dadkii ku wada noolaa deegaanka Deef iyo tuulooyin ku dhow oo ku teedsan xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia.
Guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka Hiiraan ee arrimaha bulshada iyo amniga oo deegaankaasi tagay ayaa ku dhawaaqay in gogol nabadeed labada beelood looga fidin doono magaalada Beledweyne si loo soo afjaro dagaalada ku saleysan lahaanshaha dhul beereedka iyo daaqsinka oo had iyo jeer qabiilada Soomaalida ku dagaalamaan.
RBC Radio