Horumarka dugsiyada quraanka Puntland
Husen jamal
husenjamal@hotmail.com
Agoosto 28 2013
Qormadaan yar waxaan si kooban uga hadli doonnaa horumarka ka socda dhinaca wax barashada iyo dhaqantoosinta ardayda heer hoose ee reer Puntland, isla markaana waxaan ku eegaynaa dhinacyada u baahan in laga kobciyo, waxayna qormadaani ka dhalatay u kuurgalid kooban oo aan ku sameeyey horumarka dugsiyada quraanka
Daarulquraannada (Iskuul iyo quraan wadajir ah)
Waxaa tobankii sano ee ugu dambeeyey ku soo badanayey deegaanada Puntland habka iskujirka ah ee xifdinka qur’aanka kariimka ah iyo waxbarashada dugsiga hoose, habkaasi wuxuu aad u horumariyay barashada quraanka kariimka.
Waxyaabaha la horumariyey waxaa ka mid ah iyadoo ardayda wax lagu baro dhismeyaal la mid ah iskuullada kale ee la yaqaanay ardayguna uu fadhi wanaagsan helayo, uuna dhex fariisanayo tiro xadidan oo hal macallin wax bari karo, ardayga waxa la mamnuucay in la dilo muddada uu ku jiro barashada quraanka iskuulka dhexdiisa, macallinkana isagoo la ixtiraamayo haddana waxaa lagula xisaabtamaa qorshe wax barasho oo laga rabo ardaygu in uu gaaro sanad dugsiyeedka socda.
Inkastoo dhammaan iskuuladaasi aysan ka sinnayn tayada, haddana arintaasi waxay dad badan oo bahda waxbarashada ahí arkaan in ay keentay in tajwiidka iyo xifdinta quraanku aad uga horumarsantahay dugsiyadii soo jireenka ahaa, isla markaana waxbarashadii dugsiga hoose iyo quraankii isku meel ku baranayo, waxyay arkaan in hal dhagax laba shimbirood lagu dilay.
Waxyaabaha lagu kordhiyey ama laga dhimay habkii Dugsi quraanka soo jireenka ahaa
Inkastoo habka malcaamadaha soo jireenka ahaa ay la jaanqaadayeen hab nololeedka dadka iyo duruufohooda, aadna looga faa’idey barashada quraanka, hadana waxyaabaha lagu xasuusto dugsiyadii qadiimiga ahaa qaarkood, ka sokow barashada quraanka kariimka ah waxaa ka mid ahaa in ardaygu aanu heli jirin kuraas, beddelkeedana darin, dhagax ama ciid ku fariisanjiray, meesha wax lagu bartana ay cooshad ka samaysantahay iyadoo la heli karo dhismeyaal wanaagsan, koraas, miisas, sabuurado iyo agab kale oo wax barasho si la mid ah iskuullada , macalinku wuxuu gacanta ku haystaa ul, markii aad soo dhican martidna waxaad maqlaysaa mararka qaar oohinta ardayda ama shanqarta garaaca usha, ama noocyada ciqaabta ay ku kala duwanaayeen, kuna kala badnaayeen waxaana ka mid ahaa noocyadaas: Duubis; waa ciqaab indhaha laga xirayo ilmaha si aanu usha u arkin isagana qaban. Walshamsi; waa nooc ciqaab ah iyadoo la akhrinayo suuradda walshamsi ayaa macalinku wuxuu amar ku siinayaa dhamaan ardaydu in ay wada qandhuuftaan (qanjiiriyaan) ardayga la ciqaabayo, iyo noocyo kale oo ciqaab ah.
Waxaa ka sii darnayd marka waalidku macalinka ku dhoho aniguna lafta ayaan leeyahay adiguna jiirka, waalidkii ayaa macalinka ku dhiirigelinaya inuu isticmaali karo nooc kasta oo jirdil ah isagoo aaminsan in arintaasi ay sahlayso waxbarashada iyo dhaqan wanaajinta ardayga
Dadka aqoonta u leh cilmiga barbaarinta dhallaanka waxay sheegaan arimahaasi in ay ardayga ku abuuraan cabsi, argagax, fahan yaraan, nacayb, xaasidnimo, been iyo khiyaamo in uu barto si uu uga fakado ciqaabta joogtada ah, waxayna kala dhantaashaa korriimada, habdhaqanka iyo habfikirka ardayga, mustaqbalkana waxay dhaawac weyn iyo cuqdad u geysata garaadka qof ahaaneen.
Dhinaca kale Tirada qolkii wax ku barataa ma xadidna caafimaad ahaan, mana jirin cid la xisaabtanta macanlinta dhinaca wax barista ardayga, waalidkuna haddii uu saluugo ardayga wuxuu u wareegsanjiray dugsi kale.
Dib u dhacan muuqdaa waa mid weli laga dareemayo deegaanada Puntland ma ahan mid la jaanqaadaya horumarka xowliga ku socda ee laga gaaray waxbarashada.
Bahda waxbarashu waxay tilmaaman in Puntland uu ka jiro ololeyaal lagu horumarinayo malcaamadaha quraanka. waxayse isla qireen in ay u baahantahay iskaashi iyo in laga taageero dhinaca bulshada iyo wasaaradda waxbarashada labadaba, iyadoo lagu dhaqayo siyaasadda waxbarashada, taas oo xaddidaysa heerka laga rabo dugsiga dhinaca waxbarista iyo habdhaqanka macalinka laga rabo, isla markaana laga taageerayo dhismayaasha, tababarada macalimiinta, hagaajinta maamulka, caafimaadka iyo fayadhowrka. Waxaa kaloo muhiim ah manhajka iyo la xisaabtanka macalinka in laga hirgelinyo dugsiyada quraanka heerkasta. Iyadoo macalinka lagu wacyigelinayo khatarta iyo saameynta ay leedahay ciqaabista ilmuhu.
Dhinaca kale culimada ayaa aad u wacyigeliya horumarinta dugsiyada quraanka, kuna baraarujiya in ay arin cibaado ah tahay, ajarna laga helayo, mana wanaagsana in darxumo iyo rafaad laga dareemo xarumaha barashada quraanka, isla markaana loo dareemo xarun lagu ciqaabo jiilka soo koraya, halka arintaasi aysan ka jirin iskuullada.
Xabsiyada gaarka loo leeyahay ee dhaqantoosinta
Waxaa iyana dhowrkii sano ee u dambeeyey soo kordhay xabsiyo gaar loo leeyahay oo lagu magacaabay dhaqantoosinta, waxaa lagu xabisaa ciyaal waalidkood ay ku adkaatay in ay rabbeeyaan, waxaana laga keenaa ciyaalka waddanka gudihiisa iyo bannaankiisa intaba, iyadoo ilmaha lagu wareejinayo maamulka xabsiga si dhaqan toosin iyo waxbarasho labadaba loogu siiyo, dabadeedna looga tegayo marka la dhiibo kharashaadka nolosha, fariisinta iyo fiiga haynta iyo waxbarista ardayga iyadoo sharcinimada xabsiyadaasna inta badan aan laga wada hadlin
Si la mid ah dugsiyadii hore, iyaguna malaha xeer lagu dhaqo, isla markaana ardayda waxaa lagu isticmaalaa noocyo ciqaab ah oo kala geddisan, cagajugleyn joogto ah iyo cabsi gelin,
Aqoonyahano badan ayaa shaki geliya sharci ahaanta xabsiyadan gaarka loo leeyahay iyo qaabka loo maamulo ama loola dhaqmo maxaabiista, waxayna soo joodiyaan muhiimmada ay leedahay in dowladda iyo mulkiilayaasha xabsiyadu isla ogaadaan oo isla xaddidaan qaabka loola dhaqmayo maxaabiistan, habka loo dhaqan toosinayo iyo waxa la barayo intaba.
Husen jamal
husenjamal@hotmail.com
Bossaso
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM