Si xun wax u sheeg sixir ka daran!
Abukar Y. Warsame
Abukar60@netscape.net
Agoosto 28 2013
Akhristow waxaan qiyaasayaa, in siday rabtaba ha kugu soo gaartee, aad maqashay doodda aadka u xanuun badan ee la xiriirta kufsiga iyo xad-gudubyada loo geysto dumarka Soomaaliyeed. Ujeeddada qoraalkeygan ma ahan inaan kugu soo kordhiyo xog cusub oo arrintaas la xiriirta balse waa inaan iftiimiyo arrin dhacdooyinkaas kufsiga la xiriirta taasoo ah sida loo marin habaabshay hadal ay jeedisay wasiiradda arrimaha bulshada Drs. Maryan Qaasim. Hadalkaas waxa ay jeedisay ka dib booqashadii guddi ay madax u tahay oo loo xilsaaray baaritaanka eedeyn ku wajahan ciidanka Xoogga dalka iyo kan AMISOM ay booqdeen hooyada Soomaaliyeed oo kufsiga in loo geystey sheegtay. Qoraalkeygan lama xiriiro eedeymo kale oo loo jeediyey wasiiradda oo ku saaabsan habka shaqaalaha wasaaradda ay masuulka ka tahay loo shaqaaleeyey.
Drs. Maryan Qaasim waxay waraysigii ay bixisay carrabka ku dhufatay laba arrimood oo ka hadalkooda ay muhiim u aragtay balse dadka qaarkiis ay u fasirteen in wasiiraddu ay meel ka dhac iyo xad-gudub baaxad weyn u geystay dhibanayaasha kufsiga. Labada arrimood ee ay ka hadashay waxay ahaayeen:
1. In laga badbadiyey oo la buun-buuniyay baaxadda dumarka la kufsaday.
2. In aan magaca iyo muuqaalka dhibanaha la faafin.
Warka wasiiradda ee ku saabsan labadaas arrimood waxaad ka dhegaysan kartaa halkan hoose inkastoo lagu dul dhigay hadal aan sax ahayn. http://www.youtube.com/watch?v=1fhknBCllXA
Runtii markaan akhriyey qoraallo ay dad kala duwan ku soo bandhigeen mareegaha Soomaaliyeed iyo boggaga bulshadu ku haasowdo sida Facebook iyagoo ka fal-celinaya hadalkaas wasiiradda ayaan waxaan malaysan kari waayey aflagaaddada iyo ihaanada ay dadka qaarkiis u geysanayaan Drs. Maryan Qasim iyagoo isu muujinaya inay difaacayaan dumarka Soomaaliyeed ee kufsiga loo geeysto. Waxay igu khasabtay inaan dhowr jeer dhegeysto hadalka ay Drs. Maryan goobta ka sheegtay si aan jawaab ugu helo waxa ay ku mutaystay:
In dadka qaarkiis ay hab dhaqankeeda diimeed shaki iyo qallooc geliyaan iyagoo labbiskeeda ku hal-qabsanayaa. http://oodweynenews.com/2013/08/maryan-qaasim-wax-la-qariyo-qurunaa-ku-jira/
In qaarkood u kala tartamaan anaa caydeeda iyo wax-ka sheeggida ku horreynay oo aad farshaxanka af-lagaaddada ah nooga dayateen. http://www.shaaciye.com/?nid=62409
In qaar kale ay Facebook iyo meelo kale ku soo qoraan erayo af-lagaaddo iyo asluub xumo ka buuxdo oo damiirkeygu ii oggolaaneyn inaan halkaan idinkula wadaago.
Waxaan is tusay in labo nooc ay u kala baxaan dadkaas aan kor ku soo sheegay ee ku talax tegey wax ka sheegidda Drs. Maryan Qaasim.
1. Dantii ay rabaan ha ka lahaadeen, koox si ula kac ah u marin habaabiyey hadalkii wasiiradda oo hadalkii u dhigay si ka duwan sidii ay u tiri.
2. Koox dameeri dhaan raacday ah oo warkii la sheegay iyo fasirkii laga baxshayba si sahlan ku rumaysatay oo aan dabagal haba yaraatee ku samayn sida warka asalkiisu ahaa.
Intii aan la fajacsanaa waxa dadkaasi ku kallifay inay sidaas ugu xad-gudbaan Drs. Maryan Qasim oo masuuliyadda wasiirnimo ee ay qaranka u hayso ka sokow ah hooyo Soomaaliyeed isla markaasna dhashay ama waalid u ah hablo Soomaaliyeed oo mudan ixtiraamka waalidnimo, walaaltinimo iyo midka qof mas’uulka ah mudan yahayba ayaa waxaa maskaxdeyda ku soo dhacday sheeko hadda ka hor aan maqlay oo ka turjumaysa cinwaanka qoraalkeyga. Waa tan sheekadii madaxeyga ku soo dhacday oo aan filayo iney kuu iftiimin doonto labadaas kooxod ee aan kor ku xusay.
Waxaa la yiri laba nin, ilaahey uma kaso qof muslimnimo sheeganayee, ayaa iyagoo meel khamri ku wada cabbaya waxaa la addimay salaaddii subax. Midkood ayaa kii kale oo ka yara aqoon badnaa ku yiri ”war waa la addimaye aan masaajidka aadno oo salaadda soo tukanno”. Bala qabihii cilmiga lagu tuhmayeyna wuxuu ugu jawaabay war noo wad hawsheenna waayo ilaahey baa quraankiisa wuxuu noogu sheegay in kuwa tukada halaag u sugnaaday ”faweylun lil musalliin” isagoo ka reebay aayaddii ku xigtay ee kaamili lahayd micnaha aayaddan uu soo qaatay. Kii hore ee talada ah aan salaadda soo tukunno soo jeediyayna wuxuu ku qancay jawaabtan marin habaabiska ah ee uu siiyey habaar qabahan uu aqoonta diimeed ku tuhmayey.
Waxaan isku dayi doonaa in aan wax yar ka iftiimiyo sida hadalkaas wasiiradda loo marin habaabiyey iyadoo ay isu kaashadeen qolo si xun wax u sheeg ah iyo qolada kale oo qaladkii iyo beentii si sahal ah ku rumaystay oo sii faafisay. Waxaa dhici karta in qolada dambe fikirkooda khaldan ee ku wajahan wasiiradda wax iska beddelaan haddii hadalka wasiiradda meesha wanaagsan laga eego oo si fiican loo bayaaniyo labadaas qodob ee ay hadalkeeda ku xustay.
Aan ku horreeyo qodobka ah in tira-koobka dumarka la kufsaday laga been sheegay oo la buun-uuniyey kaasoo sheegaya in 10 kii dumar ahba 9 la kufsaday. Akhristow waxaa is weydiin mudan immisa dumar ah ayaa ninka ragga ah ku xiriirta oo kufsigaas halis u ah mar haddii nin kasta ay dhiig iyo dhaqan ahaan ugu xiriirto hooyadiis, walaashiis, xaaskiisa, iyo gabadhiisa. Tobankii (10) rag ah waxaa dhiig iyo dhaqan ku soo aadaya 40 dumar ah. Akhristow haddii 10 kii dumar ah 9 la kufsaday waxaa kuu soo baxaysa in 40 kaas dumarka ahna 36 ka mid ah la kufsaday oo 4 keliya ay ka badbaadday dembigaas foosha xun ee kufsiga. Taas macnaheedu waa in mar haddii afar (4) dumar ahi ay ka badbaadday kufsigii ay macquul tahay in mid kastoo ka mid aha raggaas laga kufsaday mid ka mid ah dumarkii ku xeernaa. Waxaa dhici karta in kastoo ay adag tahay in hal nin oo raggaas ka mid ah aan laga kufsan dumarkii ku xeernaa oo sagaalkii kale ay yihiin dhibbanayaal.
Akhristow sababta aan tirada 10 rag ah u soo qaatay waa inaan ku tusaaleeyo in halkii unug ee Ciidanka Xoogga Dalka ah uu badanaa ka kooban yahay 9 ama 10 askari. Tobankaas askari iyo unugyada kale ee toban-tobanka ah ee ciidanka haddii la yiraahdo waxay qayb ka yihiin kufsigaas lagu sheegay tirakoobkaas khaldan (10 kiiba 9 in la kufsaday) ee ay wasiiraddu ka qaylineyso sow micnaheedu ma ahan in mid kastoo askartaas ka mid ah ay dhici karto in la kufsaday hooyadiis, walaashiis, xaaskiisa, ama gabadhiisa. Xaalku inta waaba ka sii xun yahay haddii askarigu laba ama saddex xaasle yahay ama gabdho badan la dhasheen ama gurigaba u joogaan. Bal is weydii wasiiraddu ma ku gar leedahay iney ka difaacdo ciidanka iyo ragga Soomaaliyeedba eedeyntaas aan xaqiiqda ku salaysnayn ee caqliga fiyoobi ka sarriiganayo?
Haddii aan wax yar ka iraaho qodobka labaad oo ah ”ha la xafido xogta dhibbanaha” oo yaan magaceeda iyo muuqaalkeeda la faafin, waxaad markii aad dhegeysato hadalka Drs. Maryan markiiba ogaaneysaa in hadalkeedii qayb yar oo ka mid ah Youtube ka lagu fidiyey oo laga reebay qaybta ay kaga hadlayso ”data collection and data protection” oo dhibanaha khusaysa iyo muhiimadda ay leedahay in gabadha dhibbanaha la kaalmeeyo oo xuquuqdeed loo raadiyo. Waa meeshan midda ku habboon sheekada aan kor idiinku xusay ee labada nin dhex-martay. Waxay sheekadu ku tusineysa in qofkii ku tala gala inuu wanaagga dadka ka leexiyo uu adeegsan karo hadal asalkiisu sax yahay basle la qalloociyay micnihiisii ama nuxurkiisii. Hadalka oo la kala reebo micnihiisa ama waxa afka qalaad loo yaqaan ”out-of-context” iyo marin habaabis lagu beddelay wanaaggii iyo waanadii uu xambaarsanaa hadalka Drs. Maryan ayaa kuugu filan tusaale.
Mid ka mid ah dadka boggaga bulshada wax kaga sheegaya wasiiradda oo ku nool waddan reer galbeed ah ayaa ku andacoonaya iney khalad tahay in ay Drs. Maryan Qasim tiraahdo ha la qariyo magaca iyo muuqaalka gabadha ama hooyada kufsiga loo geeysto. Waxaan weydiiyey bal in waddanka uu joogo la soo daabaco magaca iyo muuqaalka gabadha la kufsado. Nasiib xumo wax jawaab ah kama helin balse waxaan ogahay in uusan jirin waddan warbaahinta u bannaynaya in ay falkaas ku kacaan. Waddamada qaarkoo sida Hindiya oo ah waddan kufsigu uu fara ba’an ku hayo oo maalin cad gaadiidka dadweynaha dumar lagu kufsado waxaa ka yaalla sharci xaaraantimeynaya, iska daa magaca iyo muuqaalka dhibbanahee, in xitaa la soo bandhigo meesha ay deggen tahay, meesha ay ka shaqeeyso ama wax ka barato, saaxiibadeed ama wax kastoo sahlaya in gabadhaas la ogaado midda ay tahay. ”Section 228A Indian Penal Code prohibits the disclosure, not only of the victim’s name, but also of facts that could lead to the identification of the victim, such as the place of residence, identifying or naming the victim’s family or friends, university, or work details”.
Mar haddii waddamadii kala dambeynta iyo sharcigu ka jiray ay culayskaas saarayaan sidii loo dhowri lahaa sumacadda gabadha ama hooyada dhibbanaha ah maxaa diidaya in kuweennana aan siinno xuquudaas mid la mid ah ama ka sii fiicanba? Cidina ma oran yaan la diiwaan gelin dambiga dhacay ee dooddu waa daryeelka xogta qofka dambiga laga galay oo aan mudanayn in bulshada lagu dhex ceebeeyo iyada iyo ehelkeedaba.
Waxaan qoraalkeyga ku soo gunaanadayaa talo ku wajahan inta hadalkaas Drs. Maryan Qasim sida khaldan u dhigtay anoo isla markaas rajaynaya in intii khaladkasi uu marin habaabiyey uu qoraalkeygan wax u kala caddeeyo. Eedeysanow waxaad ogaataa in aad ku xad-gudubtay hooyo Soomaaliyeed oo la mid ah midda la kufsaday oo kaaga darane ay iyadu u xilsaaran tahay wax u qabadka tan la kufsaday oo ilaahey hortiis lagula xisaabtamayo maalinta aakhiro. Waxay u doodeyso waa in xogta gabadhii la dulmay la asturto oo sharafteeda aan meel looga dhicin ee idinkama mudna Drs. Maryan Qaasim in sharafteeda iyo shakhsiyaddeeda meel looga dhaco. Wixii toosin ah wey idinka mudan tahay ee qofkii garawsan inuu ku gafayow codsi cafis ah si gooni ama si guud ugu dir boggeeda Facebook ama sidii kaloo kuu sahlan waayo taasi waxay daaweyn kartaa dhaawaca ka soo gaaray hadalkeedii sida khaldan loo fasirtay. Waxaan hubaa in haddii sidaas aad yeeshaan ay sii xoojin karto niyadda Drs. Maryan Qaasim iyo hawsha ay u heyso bulshada siiba daaficidda dumarka Soomaaliyeed ee meel walba ku dulman.
========================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM