Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

IGAD & beesha caalamka oo faraha lagaley wada-hadallka Jubbbaland & DFS,waxana dib loo celiyey ergada inay heshiis la’aan baxan

$
0
0
DFS iyo Jubbaland oo lagala waregey wada-hadallka

DFS iyo Jubbaland oo lagala waregey wada-hadallka

Addis Ababa[RBC Radio]Tan iyo markii ay soo baxeen warar sheega in ergadda uga qeyb galaya wada-hadallka lugu doonayo in lugu afjaro khilaafka dhexyaala dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee ka socda Addis Ababa,inay ku kala tagayaan oo ay dib ugu labanayan goobihii ay horey ugu yimaaden,balse arrintaa waxaa hor istaagey IGAD iyo xubnihii uga qeyb galey beesha caalamka,waxana ay si cadd u sheegen inay laga marmaan ay tahay in heshiis laga soo saaro shirka.

Waxaa ay sheegen IGAD iyo xubnii beesha caalamka goobjooga uga ahaa wada-hadallka inay daruuri tahay in xal rasmi ah laga soo saaro shirka,ayna sura gal ahyeen in heshis la’aan lugu kala tago.

Waxaa la sheegey in ay si cadd uga horyimaaden maamulka Jubbaland qoddobo ay dowladda ku ad keysatey oo ay ka mid yihiin in maamulka KMG laga dhigo maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradahana lugu soo wareeji dowladda,balse arrinta Jubbaland waxaa ay ku tilmaamen inay ka door bidayan inay isaga baxan wada-hadallka maadama sida ay sheegen ayna sura gal ahyen waxaa ay dowladda rabto iyo sida ay xiligan ku doonayso in xal lugu gaaro.

Ergada uga qeyb galey wada-hadalka dhanka dowladda faderaalka Soomaaliya

Ergada uga qeyb galey wada-hadalka dhanka dowladda faderaalka Soomaaliya

Waxaa la sheegey in xiliga ay Jubbaland halka ka istagtey wada-hadallka inay sheegen IGAD iyo xubinihii beesha caalamka inay si rasmi ah gacmaha ula gali doonan wada xaajodkan maadama ay muhiimtahay in xal laga soo saro wada-hadallkaa.

Illa xogogaal ah ayaa noo xaqiijiyey inay IGAD iyo xubnaha beesha caalamka keeni doonan qoddobo xal uu ku iman karo.

Waxaa adag in wax war ah laga helo dhinacyadda wada-hadallka ku jira,xiriiro kala gadisan oo anu sameeney ayan ku guul daresaney waxana adkaatey in lahelo xiligan qorshada ay wadaan IGAD iyo beesha caalamka,iyo sida ay u akaan labada dhinac.

Si kasto ay ahaataba waxaa mel xasaasi ah xiligaan maraya in dowladda faderaalka iyo maamulka Jubbaland ay gaaran xal ay labadda dhinacba ku qanacsanyihiin.

Wixii kusoo kordha warakaan kala soco Raxanreeb.com.

__________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles