Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaaraha dalka Japan oo maanta lugu waddo inuu gaaro dalka Jabuuti

$
0
0
Raysul wasaaraha Japan, Shinzo Abe

Raysul wasaaraha Japan, Shinzo Abe

Jabuuti[RBC Radio] R/wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa lugu wadda inuu maantey bilaabo socdaal muddo qadan doono kasoo uu ku mari doono dalal dhoor ah oo ku yaala qaaradda Afrika iyo bariga dhexe.

R/wasaare Abe ayaa lugu wadda in socdaalkisa uu ka bilaabo dalka jamhuuriyada Jabuuti ee ku yaala bariga Afrika,dalkaaso lugu tiriyo dalalka dowladda Japan ay la leedahay xiriir iskaashi oo dhinacyada sirdoonka iyo milateriga ah.

Sidoo kale booqashada R/wasaaraha Japan waxaa uu ku tagi doona dalal ay ka mid yihiin Bahrain, Kuwait iyo Qatar.

Dalka Jabuuti oo lugu waddo inuu ku bilaabo R/wasaaha Japan booqashadiisa ayaa waxaa la sheegey inuu kala hadli doono arrimo dhor ah oo ay ka mid yihiin howlgallka ka dhanka ah kooxo burcad badeedda Soomaalida kuwaaso muddadan danbe dadaal lugu jirey sidii looga hortagi laha qafaalka ay qafaasha maraakiibta ganacsiga, kuwa gargaarka iyo kalluumeysiga iyo dadka ajnabiga ah ee la socda .

Shinzo Abe waxaa uu si cadd u sheegey inay wali iman karto qatar ka timaada burcad badeedda Soomaalida,taasi ay muhiim tahay sida uu sheegay in laga hortago.

Warar kale ayaa waxaa ay sheegaya in R/wasaaraha Japan uu kala hadli doona dalka Jabuuti arrimaha la xiriira malateriga,inkasto an faah afaahin lagaheyn.

____________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles