Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka magaalada Marka oo dowladda ugu baaqay iney qaaddo Isbaarooyinka yaalla Shabeelaha hoose

$
0
0

markaMarka{RBC Radio} Maamulka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iney gacan weyn ka geysato sidii Isbaarooyinka faraha badan ee yaalla gobolkaas loo qaadi lahaa,gudoomiyaha magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisow ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya iney qaado Jidgooyooyinka yaalla gobolkaas.

Maxamed Cali Cismaan Yariisow ayaa sheegay iney deegaanada hoos yimaadda magaalada Marka ay  yaallaan Isbaarooyin lagu dhibaateeyo gaadiidleyda iyo dadka shacabka ee ku safra wadooyinka gobolka Shabeelaha hoose,wuxuuna ugu baaqay madaxda dowladda gaar ahaan wasaaradaha ay qusayso arintani iney qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo ay wax kaga qabanayaan Isbaarooyinka.

Gudoomiyaha magaalada Marka ayaa ku eedeeyey saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ineysan awood u lahayn xakamynta ciidamada ay xukumaan taasoo keentay in ciidanku ay shacabka dhibaato kula dhaqaaqaan sida uu sheegay,wuxuuna ugu yeeray saraakiisha iney kasoo baxaan  masuuliyadooda.

Gudoomiyaha Marka Maxamed Cismaan Yariisow ayaa tilmaamay iney wasaaradda Gaashaandhigga ay marar badan u gudbiyeen cabasho la xiriirta Isbaarooyinka ay gobolkaas dhigteen ciidamada dowladda,wuxuuna ku dhaliilay wasiirka difaaca Soomaaliya inuusan waxba ka qaban cabashadooda.

Deegaanka Muuri ilaa Ex-Koontarool Afgooye ayuu sheegay iney yihiin deegaanada ugu badan ee ay yaallaan Isbaarooyinku,wuxuuna ka dalbaday wasiirka Gaashaandhigga inuu u istaago wax ka qabashada arintan.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles