Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Fatahaada Wabiga Shabeelle ka geysanayo gobolka Sh/dhexe oo sii Laba-lixaadsanaya

$
0
0

fatahadJowhar{RBC Radio} Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in Fatahaadaha uu samaynayo wabiga Shabeelle ay sii laba lixaadsanayaan,dadka ku dhaqan tuulooyin ay ka mid yihiin Labiga Xaanshooley iyo Baarrow oo ah meelaha uu sida weyn Fatahaadaha uga sameeyey Wabiga ayaa ka cararay deegaanadaas.

Biyaha Wabiga ayaa la sheegayaa iney soo jabiyeen Buurar Ciid laga sameeyey oo lagu moosay,waxaana lasoo sheegayaa iney baabi’iyeen dalagyo aad u fara badan oo ku yaalla beeraha deegaanada nawaaxiga magaalada Jowhar,Fatahaada ayaa sidoo kale saamayn ku yeelatay wadada Xiriirisa Sh/dhexe iyo Hiiraan taasoo lasoo sheegayo iney qarka u saaran tahay iney gabi ahaanba go’do.

Ciidamada AMISOM  ayaa ka guuray  fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Abshir Cali Guure oo duleedka ka ah  magaalada Jowhar kadib markii uu gudaha u galay daadka kasoo rogmaday fatahaadda wabiga,waxaana dadaal badan ugu jiray Xakamaynta biyaha wabiga maamulka gobolkaas iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Sh/dhexe.

Fahataadan ayey dadka ku dhaqan deegaanadaas waxa ay tilmaamayaan iney tahay tii ugu ba’need ee uu sanadahan danbe sameeyo wabiga Shabeelle ee maraya gobolkaas,waxaana lagu qiyaasay dalagyada uu baabi’iyey wabigu in ka badan 20 Kun oo Hiktar oo ay ku beernaayeen dalagyo kala gadisan.

Kanaalka Cali Shoobare oo qiyaastii 2Km u jira magaalada Jowhar ayaa xiligan ah biyo xireenka kaliya ee aysan wali soo jiirin biyaha wabiga Shabeelle.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles