Addis Ababa [RBC Radio]Wararka ka imaanaya magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu wali kasocdo wada-hadall u dhaxeeya dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland,waxana wada-hadalladdaa lugu doonaya in lugu soo afjaro khilaafadka dhex yaala xiligaan,ayaa soo sheegaya in heshiis laga gaarey qoddobo la isku mari la’aa kadib markii dowladda faderaalka Soomaaliya lugu cadaadiyey inay tanaasul ka sameyso qoddobo ay iyadu wadatey.
Maalmihii ugu danbeeyey ayaa waxan wax guul ah laga gaarin kulamo iyo shirar ay yeelanayen ergo labadda dhinac u mataleysey wada-hadallka,lugu dhameenayo ismarin waaga dhexyaala.
Kulan habeenkui xaley dhex marey ergadda wada-hadallka umataleysa dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa la soo sheegaya in xal laga gaarey qoddobo ay isku diidanayen labada dhinac.
Wadda xaajodka mudadaan la isku mari la’aa ayaa la sheegey in qoddobadi muranka dhaliyey ay ahaayen kuwo ay dowladda faderaalka Soomaaliya dhankeeda ay wadey,ayna ka biya diidanayen maamulka Jubbaland oo sharci daro ku sheegey qeybo ka mid ah qoddobadi ay dowladda faderaalku soo hordhigtey wada-hadallka.
Si kasto oo ay noqoto waxaa xiligaan la cadedeyey in labada dhinac ay gaaren heshiis kasoo la sheegey inuu yimiid kadib markii dowladda faderaalka lugu cadaadiyey inay ka tanaasusho qoddobo uu wada-hadallku ka dhaqaaqi waayey,waxana la tilmaamey in xubnihii beesha caalamka,QM iyo uru goboleedka IGAD ay dowladda ugu baaqen inay tanaasul ka sameeyo qoddobada ay wadato.
Illaa xiligan wali lama sixiixin heshiiska lagaarey balse waxaa la sheegaya in dhawan uu dhici doono saxiixasi,waxaa lugu muran sana halka uu ka dhici doono dhawaaqista heshiiska.
Waxaa adag in wax laga ogaado halka uu saaka marayo wada xaajoodka DFS iyo Jubbaland,xiriiro kala gadisan oo ay Raxanreeb.com sameesey ayan sura galin,balse wixii soo kordha dhawan ayan soo gudbin doona.
____________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo