Garoowe (RBC RADIO) Waxaa goor dhawayd Ciidanka Miina Baarista ee Puntland ay fashiliyeen Wax lagu soo riday Wal-Xaha Qarxa oo la dhigay meel u dhaw Guriga Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan faroole iyadoo Gabal dhicii laga warhelay Qaraxaasi in uu meesha yaalo ciidankana ay xireen aagii uu yaayalay dadka iyo gaadiidkana loo diiday in aagaasi ay maraan.
Sida uu Raxan-Reeb u sheegay Duqa Degmada Garoowe C/Casiis nuur Cilmi Koor Xogtan markii la helay ayeey ciidanka mina baaristu xireen aaga waxayna isku dayeen in ay qaraxaasi furan iyadoo ugu dambayn lagu guuleystay in qaraxaasi la fashiliyo oo ay ciidanku qarxiyaan sida uu sheegay Duqa Degmada garoowe.
Lama sheegin Cid qaraxaasi lagu qabtay sidoo kalena lama sheegin cid wax ku noqotay ama ku dhaawacantay qaraxaasi la fashiliyay hase ahaatee arintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo heegan culus la geliyay ciidanka amniga iyadoo laga cabsi qabay in Puntland ka dhacaan Qaraxyo iyo falal amni daro oo qorsheysan.
Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Raxan-Reeb .Com.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.