Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliska Ciidanka ee Gobolka Nugaal oo ka waramay Qaraxii goor dhaweyd lagu Fashiliyay Garoowe.

$
0
0

qaan

Garoowe (RBC RADIO) Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal C/Raxmaan Xaaji Abshir oo la hadlayay Saxaafada Gudaha ayaa sheegay 5tii Galabnimo ee Maanta ay dad dagan Xaafada 1da Augost kusoo wargeliyeen in ay arkeen meel la dhigay Walxaha qarxa kadibna ay ciidanka Miina Baarka Puntland  iyo  kuwa Amniga ay aagaasi xireen iskuna dayeen in ay baaraan nooca ay tahay miinada iyo Qasaaraha ay geysan karto, wuxuuna taliyuhu sheegay in Ciidanka Markii Dambe ay ku guuleysteen gabaldhicii in ay Qarxiyaan miinada oo aysan cidina waxba ku noqon, mar uu u waramayay Idaacada Radio Garoowe.

 

“ Nooca Miinada waa mid gacan ku samays ah waana nooca loo yaqaan IED waxaana la dhigay Xaafada 1da Agoust qorshe ayaana kolay lala damacsanaa in lagu fuliyo waana nooca lagu hago Mobilka laakiin sidii la rabay ma noqon waan ka hortagnay waana hor istaagnay in ay miinadaasi dadka wax yeesho,kuwa caadeystay in ay dad daaqadohooda ay miino dhigaan waxaan leeyahay waan idinku daba joognaa waajibkiina ayaana idin marin doonnaa, kuwa hada falkaan geystayna raadkooda ayaan ku daba joognaa waana soo qaban doonnaa ayuu yiri Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal.

Taliye C/raxmaan wuxuu sheegay in quud ahaan amniga Puntland si weyn loo adkeeyey lagana war hayey in Kooxaha nabad diidka ah sida uu hadalka u dhigay ay doonayaan in ay fuliyaan Weeraro ka dhan ah Amniga Puntland wuxuuna sheegay in ay sameyn doonaan talaabo kasta oo Amniga Gobolka lagu sugi karo, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay in ay ku raad joogaan kuwii ka dambeeyey Qaraxii Caawa la fashiliyay.

 

Qaraxan la fashiliyay ayaa ku dhawaa guriga Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole iyadoo aanse laga warhelin ujeedka dhabta ah ee qaraxa laga maaganaa iyo cida lala damacsanaaba mana jirto cid lasoo qabtay mana jirto sidoo kale cid ku wax yeelowday markii qarax la fashilinayay waxaana iminka Magaalada ka bilaabatay baaris guud oo Amniga lagu sugayo iyadoo durba Baaris ay ciidanku ugu dhaqaaqeen Gawaarida isaga kala goosheysa Wadada weyn ee Magaalada marta sidoo kalana Magaalada ay Gaaf wareegayaan Ciidan Sugaya Amniga.

 

Arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Taliyaha Ciidanka booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf uu dhawaan sheegay in ay heleen xog ah in kooxda Alshabaab ay qorsheynayaan Falal Amni daro oo ay Puntland ka fuliyaan isagoo cadeeyey in Ciidanka Puntland heegan buuxa la geliyay hawlgalkuna uu sii laba jibaarmay.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles