Sh/hoose{RBC Radio} Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta booqday fariisimo ay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin gobolka Shabeelaha hoose.
Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayey taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarshe” iyo rasaakiil kale oo ta tirsan ciidamada qlaabka sida ee dalka,waftiga ayaa maray dhowr fariisin oo gobolka Shabeelaha hoose ay ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolkaas.
Wasiirka ayaa markii degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose waxa uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada waxayna ka wada hadleen sidii loo adkayn lahaa amniga deegaanadaas.
Wasiirka ayaa ku booriyey ciidamada qalabka sida iney ka fogaadaan waxyeeleynta dadka shacabka ah,wuxuuna si gaara ugala dardaarmay iney Isbaarooyinka bulshada lagu dhibaateeyo ay dhigtaan,wuxuuna ugu baaqaan iney ilaaliyaan anshaxa ciidanka.
Waftiga uu hogaaminayey wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Ballidoogle ee duleedka degmada Wanlaweyn waxa uu sidoo kale kula hadlay cutubto ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho