Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Booliska magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo heegan buuxa la galiyey

$
0
0

mombasaMombasa{RBC} Dowladda Kenya ayaa heegan buuxa galisay ciidamadeeda amniga magaalo xeebeedka Mombasa ee dalkaas,Saraakiisha ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay iney ka war heleen warar sheegaya in  dagaalyahanno ka tirsan alshabaab  ay damacsan yihiin iney weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mombasa.

Taliyaha ciidamada booliska magaalada Mombasa oo la hadlayey warbaahinta dalkaas ayaa waxa uu sheegay in laamaha amniga dalkaas ay heleen xog ku saabsan in alshabaab ay qorsheynayaan weeraro dhiig badani ku daato oo ay ka geystaan gudaha dalkaas,wuxuuna xusay in feejignaan dheeri ah la galiyey ciidamada ammaanka dalkaas.

Taliyaha ayaa sheegay iney ka war heleen in alshabaab ay qorsheynayaan qaraxyo iyo weeraro ay kusoo beegeen sanad guurada kasoo wareegtay dilka SH Aboud Robbo oo sanadkii hore lagu toogtay magaalada Mombasa,ninkaas oo la aaminsan yahay inuu ka tirsanaa alshabaab.

Waxaana loo aanaynayaa dilka wadaadkaas iney ka danbeeyeen ciidamada amniga dalkaas walow ay beeniyeeen iney dilkiisa wax lug ah ku lahaayeen,gudoomiyaha magaalada Gaaris ee gobolka waqooyi bari ayaa isne dhanka kale sheegay in ciidamada ilaalada xuduudaha dalka Kenya ay fashiliyeen isku day koox ka tirsan alshabaab ay ku dooneysay iney gudaha ugu galaan dalka Kenya.

Wuxuuna tilmaamay in ciidamada amniga ay dagaal la galeen kooxdaas oo ku sheegay iney alshabaabka ahaayeen,gudoomiyaha ayaa tibaaxay in halkaas ay ku dileen qaar kamid ah dableydii qorsheynayey iney ka tallaabaan Soodinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Alshabaab ayaa sare u qaaday weerarada tooska ah iyo qaraxyada ay ka geysanayaan gudaha Kenya tan iyo wixii ka danbeeyey markii Kenya ay ku dhawaaqday in ciidankeedu ay so galeen gudaha Soomaaliya si ay alshabaab ula dagaalamaan,waxaana u danbeeyey weerar alshabaab ay ka geysteen deegaanka Galma-gala oo ay ku dileen saraakiil ka tirsan booliska Kenya.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles