Muqdisho{RBC} Alshabaab iyo taliska ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalo ku dhexmaray gobolada dalka,afhayeenka dhanka hawlgallada u qaabilsan alshabaab SH C/casiis Abu Muscab oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa waxa uu sheegay in alshabaab ay dagaalo ka dhacay gobolada SH/hoose iyo Jubaha Hoose ku dileen askar fara badan oo ka tirsan AMISOM.
Abu Muscab ayaa sheegay in ciidamada alshabaab ay shalay ka fuliyeen gobolka SH/hoose ilaa 11 weerar oo ay ku qaadeen fariisimo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaano kala duwwan oo ka tirsan gobolkaas,wuxuuna sheegay iney weeraro ku qaadeen deegaano ay ka mid yihiin ,Ceelasha biyah,Lafoole,Shalaanbood,Jannaale iyo Bariire oo dhammaantood ka tirsan SH/hoose.
Abu Muscab ayaa sheegay iney weeraradaas kala duwan ay ku dileen 21 askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM,wuxuuna sheegay iney dagaaladaas sidoo kale dhaawacyo intaa ka badan ay gaarsiiyeen ciidanka AMISOM,wuxuuna dhanka kale sheegay in ciidankoodu ay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo,C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in weerarka Kismaayo ay khasaaro ku gaarsiiyeen AMISOM sida uu sheegtay.
Dhanka kale Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in la fashiliyey weeraro alshabaab ay ku qaadeen fariisimada ciidanka AMISOM,warka kasoo baxay Taliska AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in rag ka tirsan alshabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidan oo AMISON ay ku leedahay magaalada Kismaayo,Taliska AMISOM ayaa sheegay in weerarkaas ay fashiliyeen isla markaane ay burburiyeen gaari ay wateen kooxda weerarka ku qaaday.
Warka AMISOM kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in AMISOM ay khasaaro lixaad leh dagaalkaas ku gaarsiiyeen alshabaab,ma jiraan ilo ka madax bannaan labada dhinac oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalada Alshabaab iyo AMISOM ku dhexmaray gobolada Jubada hoose iyo Shabeelaha hoose.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho