Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hadal ay Dhowaan Jeedisay Wasiir Maryan Qaasim oo Buuq Weyn Dhaliyey (Faahfaahin)

$
0
0

Maryan-QaasimMuqdisho (RBC) Wasiirka adeegga bulshada Drs Maryan Qaasim ayaa toddobaadkii hore mar ay shir jaraa’id qabatay waxay ka hadashay falalka kufsiga ah ee ka dhanka ah dumarka ee ka dhaca Muqdisho kuwaasoo lagu eedeeyo inay geystaan ciidamada dawlada.

Wasiiradda oo madax u ah guddi heer qaran oo raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu magacaabay ayaa qabatay shir jaraa’d oo ay kaga hadashay dhacdo la sheegay in 8-dii bishan August lagu kufsaday haweeney Soomaaliyeed xerada Maslax ee duleedka deegaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiirada oo ka hadlaysay arrinkaasi ayaa tiri”  Waxaa maalmahan soo batay gabadho lacag yar qaadanayo oo yiraahda waa la i kufsaday oo ciidamada been ka sheega, arrintaas waa wax aan loo dulqaadan karin. Hadday run run u dhaco xitaa waa in la qariyaa.” ayey tiri wasiirada.

Wasiirada oo sii hadleysay ayaa sheegtay inay jiraan saxaafad wareysata haweenka sida ay sheegtay ka been sheega kufsiga, waxayna tiri “Mida beenta sheegta iyo saxaafadda wareysataba looma dulqaadan doono”.

Wasiirada waxay kaloo cambaareysay warbaahinta wareysiyada iyo sawirada ka qaada dumarka sheeganaya in la kufsaday iyadoo sheegay inay mamnuuc tahay in muuqaalka, magaca iyo aqoonsiga qofka lasoo bandhigo.

Hadalka wasiirada ayaa wuxuu abuuray dareen iyo buuq weyn iyadoo dawlada Soomaaliya weli aysan ka hadlin arrintan.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay in wasiirada ay saxdo hadalkeeda ayna cadeyso mowqifka dawlada ee ku aadan falalka kufsiga ee lagula kaco dumarka Soomaaliyeed taasoo shareecada iyo qawaaniinta kalaba ay u yaqaanaan dembi culus.

Hadalka wasiirada ayaa ku soo beegmay xilli ay taagan tahay dhacdo kufsi ah oo ay sheegatay haweeney ku nool Muqdisho oo ku eedeysay in ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay kufsadeen maalinimadii Ciida.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles