Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xanuunka Laabjeexa oo loohelay hab ka duwan habkii horey loogu isticmaalijiray

$
0
0

Xanuunka Laabjeexa oo loohelay hab ka duwan habkii horey loogu isticmaalijiray
Dr. Abdikafi Mohamed Hessein (Dr.Garyare)
Abdikafi Mohamed Garyare

Cudurka laabjeexa :

Dr.Abdikafi Mohamed Hessein (Dr.Garyare)

Dr.Abdikafi Mohamed Hessein (Dr.Garyare)

Laabjeexa yaa inta badan waxaa sababa dheecaan looyaqaano gaastiriig acid oo ku soo noqota dhuunta raashinku maro taasi oo ay sabab utahay dhuunta oo sifiican iskugu xirmin oo murqaheedu dabcaan, Acidka ayaa keena dareen olol oo kale ah oo laabta lagadareemo ilaa iyo cunaha hadii dareenkaasi soo noqnoqdo in ka badan labo jeer todobaadkii, waxaa Takhaatiirtu ku tilmaamaan inuu cudur iskubadalo, kaasi oo looyaqaano Gastroesophageal reflux disease(GERD) oo dhibaatooyin halis ku keena caafimaadka.Dadka qaba xanuunka Gaastiriiga ayaa cuna daawooyin loogu talagalay sida Zantac ama Losec.

Dadka qaba dhibkaan waxay sheegayaan inay cunooyinka qaarkod uga darto sida waxylaaha la shiilay, suugada, basbaaska ama cabitaanka aashitada leh.

Badanaa qofku waa iska fiicnaadaa maalmo kadib hase yeeshee waa soo noq-noqotaa waxaana la socon kara labo-labo iyo caloosha oo hurta.Malaayin qof ayaa la ildaran xanuunka laabjeexa, kaasi oo saameeya caloosha ilaa iyo cunaha marka lacuno raashin culus.Hase ahaatee haatan waxaa lahelay hab cusub oo kaduwan daawooyinkii hore loo isticmaalijiray .

Shawnee Williams oo dagan wadanka Mareeykanka ayaa sheegtay inay wax badan la ildarneed cudarkaan, waxayna sharaxaysaa ololka cunaha (the burning throat) inuu ahaa midaan loo adkeysan Karin.

Shawnee waa ay daaleen Iskaamiintihii (Qiiq saare) waxayna is dhowraysay lixbilood iyada oo ka fogaanaysa Cuntooyin khaasa, waxay qaadaneysay daawo maalinwalba (daily medication) , ilaa ay gaartay calaamado aan loo adkeysan Karin. Waxay biloowday raaditaan Daawooyin kale waxayna ogaatay ugu danbeyntii LINX procedure, waxayna go’aansatay inay adeegsato qalab cusub oo lagu xiro dhuunta cuntada qaada (esophagus) si aynan ufurmin marka cunta lacuno kadib, Waxay u tagtay Kristi Harold, M.D., a general surgeon at Mayo Clinic in Arizona.

Dr.Harold oo ka warbixineysa qalabkan waxay tiri

“Qalabkaan oo looyaqaano lINK ayaa ah qalab sida tusbaxa u eg oo ka sameeysan macdanta Teytaaniyumka oo bir lab gudaha ku leh kaas oo xiraya dhuunta raashinku maro cuntada kadib.Awooda ay birlabtan iskuqabanayso ayaa keenaysa dhuunta uu raashinku marayo xiranto cuntada kadib, taasi oo furnaashaheedu ama dabacsanaanta xanunka keento.”

Hadaba sidee ayuu u shaqeeyaa qalabkan( LINK) :

Waxaan ku soo koobayaa 3 qeybood

“1: LINX waxaa lagu abuurayaa ama laga fulinaya wareega the weak native lower esophageal sphincter (LES).

2: Xooga is ku soo uruurinaya Timaha Garka waxaa uu ka caawinayaa the weak valve inuu xirmo si uu uga hortago soo noqoshada dheecaan ka looyaqaano gaastiriig acid ama cudurkaba.

3: Xooga liqitaanka cuntada, Daacada(neefta qofku soo tuuro mar kuu dhargo) ama Huncaaqada ayaa waxay Furayaan Timaha Garka.”

Qalabkaan ayaa waxaa sanadkii hore ansaxiyay xafiiska federalka ee wadanka Mareeykanka. Diktoor lipham ayaa sheegaya in qalabka qiimihiisu yahay Shankun oo doolar qaliinka lagurakibayo ayaa gaaraya inta udhaxeysa 12kun ilaa 20 kun. Tareeshiya kaar ayaa lagu xiray qalabkani bishii oktoobar 2013 dii iminka waxkasta way cunikartaa iyadoo wax cabsiya arintaas ka qabin oo si fiican wax u cunaysa. wargeeyska the new england general of medicine ee arimaha caafimaadka ayaa dhawaan soo bandhigay daraasaad lagu sameeyay boqol qof oo qalabkaan lagu xirxiray, cabashada ugu badan ayaa ka imaanaya iyadoo laqitaanka cunta uu dadka dhibayay marka ay qaliinka kasoobaxaan.

Dhakhaatiirta ayaa qalabkan waxa ay sheegeen in la eegayo dhowrka sano ee soosocota si loo ogaado natiijada dhabtaa ee ka soo bixikarta.


Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles