Muqdisho(RBC Radio) Gen. Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-cadde oo ka tirsan saraakiisha ugu saraysa ciidamada milateriga dowlada Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga hortago hubka sida sharci darrada ah loogu kala iibsado uuqyada magaalada Muqdisho Indha-cadde ayaa sheegay iney hubaal tahay in wadooyinka magaalada Muqdisho hub lagu kala iibsado.
Gen. Indha-cadde ayaa sheegay in kala iibsashada hubkaasi ay sii hurineyso falalka amni darro ee xiliyada qaar ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir wuxuuna ugu baaqay dhamaan ciidamada kala duwan ee dowlada iney qaadaan tallaabooyin ay kaga hortagayaan kala iibsashada hubka,isagoona ka codsaday madaxda dowlada Soomaaliya iney go’aano ka soo saaraan arintaasi.
Sarkaalkan ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in hadii aan arintaasi si deg deg ah wax looga qaban ay qatar ku tahay amniga magaalada Muqdisho iyo kalsoonida qaramada midoobe ay ku qabto in la xakameeyo hubka soo gala dowlada Soomaaliya kadib markii ay dhawaan 15-ka xubnood ee qaramada midoobe isku raaceen iney qaadaan cunaqabateyntii hubka ee saarneed Soomaaliya muddo sanad ah.
Hadalka kasoo baxay Gen. Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-cadde ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii danbe ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho falal lid ku ah amniga caasimada oo soo hagaagayey bilihii danbe.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho