Bakool(RBC Radio) Ururka alshabaab ayaa daboolka ka qaaday in la wareegida magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ay albaabka u fureyso iney guud ahaan la wareegaan deegaanada kale ee gobolada Baay iyo Bakool gudoomiyaha alshabaab ugu magacaaban gobolada Baay iyo Bakool Sheekh Mahdi C/kariin oo ka hadlayey dib ula wareegida alshabaab ee magaalada Xudur sanad kadib ayaa sheegay in arintaasi ay calaamad u tahay in alshabaab ay mar kale dib u qabsan doonaan dhamaan deegaanadii hore looga saaray.
Sh Mahdi ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada oo shalay ka baxay magaalada Xudur xili uusan wax dagaal ah ka dhicin ayaa sheegtay in bixitaanka ciidamada isgarabsanaya ay ku timi dagaal adag oo ay goorwalba ku qaadi jireen taasine ay soo dedejisay ka bixidooda magalaada Xudur sida uu hadalka u dhigay.
Gudoomiyaha alshabaab ugu xilsaaran gobolada Baay iyo Bakool ayaa sheegay iney sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowlada Soomaaliya,Amisom iyo kuwa dowlada Soomaaliya wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in markale ay ururka alshabaab dib uga arimin doonaan deegaanadii xoogga looga saaray ee Baay iyo Bakool.
Sh Mahdi C/kariin ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolada Baay iyo Bakool iney garab istaagaan alshabaab wuxuuna ku guubaabiyey iney la dagaalamaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamada garabka siinaya,wuxuuna ku tilmaamay in dagaalka alshabaab ay ku jiraan uu yahay mid xaq ah ayna tahay inuu qof walba ka qayb qaato sida uu hadalka u dhigay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho