Baay(RBC Radio) Ciidamada alshabaab ayaa dib ula wareegay deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay wararka aan ka heleyno deegaanka Awdiinle oo 30KM galbeedka uga aaddan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dagaalamayaasha alshabaab oo weerar kusoo qaaday deegaankaas.
Wararka ayaa tilmaamay in dagaalkaas ay ku dhinteen 10 ruux oo u badnaa dhinacyadii ku dagaalamada deegaanka Awdiinle wararka ayaa xaqiijinaya in ciidanka alshabaab ay u suurta gashay iney la wareegaan gacan ku haynta deegaankaas kadib markii ay ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay ka bexeen deegaankaas.
Yoonis Aadan Xasan oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay ka bexeen deegaanka Awdiinle wuxuuna sheegay iney dagaal rogaal celin ah ku qaadayaan saacadaha soo aaddan si ay mar kale ula wareegaan gacan ku haynta deegaankaas.
Shalay ayey ayahd markii ciidamada alshabaab ay gudaha u galeen degmada Xudur ee gobolka Bakool oo muddo ka maqneed gacantooda kadib markii ay banneeyeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada Soomaaliya oo muddooyinkii danbe ku sugnaa magaaladaas mana cidda ilaa hada sababta keentay iney ka baxaan magaalada Xudur iyad oo aan wax dagaal ah ka dhicin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho