Muqdisho(RBC Radio) Kulan ay ka wada qayb galeen 3-da masuul ee ugu sareeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada qaranka ee Villa Soomaaliya markii uu soo idlaaday shirkaasi ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge Xirsi.
Wasiirka warfaafinta C/laahi Ciil-mooge ayaa sheegay in shirka ay wada qaateen madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya iyo golaha wasiirada si weyn loogu lafa guray qaadista xayiraada hubka ee saarneed Soomaaliya 22-kii sano ee lasoo dhaafay wuxuuna sheegay iney soo gaareen magaalada Muqdisho gudi ka socda qaramada midoobe oo u xilsaaran la socodka xayiraada hubka ee laga qaaday Soomaaliya.
Ciil-mooge ayaa shaaca ka qaaday in gudiga qaramada midoobe ka socda oo ka kooban 30 xubnood uu yahay ujeedkoodu u kuurgalida xaaladaha hubka ee Soomaaliya wuxuuna tilmaamay iney madaxda dowlada la kulmi doonaan,Wasiirka warfaafinta xukuumada ayaa sheegay in gudigaasi ay si gaar gaar ah kulamo ula qaadan doonaan 10-ka wasaaradood ee xukuumada.
Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in gudiga ka socda qaramada midoobe ay socod ku mari doonaan magaalooyinka Muqdisho,Jowhar,Beledweyne,Baydhabo,Gaalkacyo,Garoowe,Hargeysa,Nairobi iyo Addis ababa muddo ku siman 11 maalmood wuxuuna intaa ku daray in marka ay soo afmeeraan socodkooda ay dib ugu noqon doonaan xarunta qaramada midoobe iyagoo xoghayaha guud u gudbin doona xaaladaha hubka ee dalka Soomaaliya iyo waxyaabihii ay kusoo ogaadeen goobaha ay safarka ku gaari doonaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho