Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Maxkamada Sare ee Dalka oo Laashay Xukunkii Wariye C/casiis Dibna Xoriyadiisa ugu Soo Celisay Maanta

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Kiiska wariye C/casiis C/nuur Koronto oo muddo bilaha ah soo jiitamayey ayaa waxaa maanta go’aan kama danbeys ah ka gaartay maxkamada sare ee dalka fadhiga maxkamada maanta ayaa waxaa kasoo qeybgalay xeer ilaaliyaha qaranka oo dacwada kusoo oogay wariyaha,Qareenka difaacaya Wariye  Koronto iyo madaxda iyo wariyaasha warbaahinta magaalada Muqdisho.

Qeybtii hore ee fadhiga maxkamada yuu gudoomiyaha maxkamada sare dhegeystay xeer ilaaliyaha oo goobta keenay waxyaabo uu u daliishanayo xukunkii ugu danbeeyey ee 6-da bilood ahaa ee lagu riday Wariye C/casiis C/nuur Koronto iyo qareenka difaacaya wariyaha oo maxkamada horkeenay cadeymo uu ku bari yeelayo wariyaha.

Intaa kadib ayaa waxaa kulan gaar ah oo ay albaabadu u xirnaayeen wada qaatay gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Caydiid C/laahi Ilka-xanaf iyo kalkaaliyaashiisa kuwaas oo ka wada arinsaday go’aanka ugu haboon ee ay ka qaadan karaan dacwada wariye C/casiis oo noqotay taxane ma dhamaata ah waxayna daqiiqado ka dib ku dhawaaqeen go’aankii ay gaartay maxkamada sare ee dalka.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Caydiid C/laahi Ilka-xanaf oo goobta kaga dhawaaqay in maxkamada sare ee dalka ay gabi ahaanba laashay go’aankii maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ay ku riday Wariye C/casiis Koronto oo ahaa xabsi 6 bilood ah,wuxuuna shaaca ka qaaday in maanta laga bilaabo uu wariyuhu xor yahay.

Go’aanka maxakmada sare ee dalka ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyey dhamaan bahda saxaafada Soomaaliya ayaa walaac ka muujinayey xukunadii hore ee ay maxkamada gobolaka Banaadir ku riday dhowr jeer xukuno kala duwan oo ay ka biyo diideen.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Trending Articles