Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Duqa Garoowe: Amniga Magaalada waa in lagu soo celshaa kalsoonidii lagu qabay.

$
0
0

 

Garoowe (RBC RADIO) Duqa Degmada Garoowe ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka  C/Casiis Nuur Cilmi  Koor  wuxuu sheegay in ay tahay waajib saran Shacabka iyo Ciidanka amniga in lasoo celsho kalsoonidii lagu qabay Caasimada Puntland kadib markii ay ka dheceen Dilal Qorshaysan oo uu ugu dambeeyey Dilkii Sheekh Cbduqaadir loogu gaystay Magaalada wuxuuna ku baaqay in la sameeyo dabagal badan oo la xiriira dadka aan la aqoon kuwa Hotelada iyo Guryaha Kiraysta taasi oo uu ku tilmaamay in ay qayb ka tahay Sugida Nabadgelyada iyo ilaalinta Sharafta Caasimada mar uu ka hadlayay kalfadhigii 14naad ee Golaha Deegaanka Garoowe oo Furmay.

 

Mudane Koor wuxuu sheegay in is bedel dhanka amaanka ah la sameeyey xiliyadaii ugu dambeeyey  o  inta badan la xiray Luuqyada lagu dhuumaaleysan karo ee magaalada ku yaalay iyo in Xaafad walba loo badiyay Gudiga  talaabadaasi oo hormar badan dhalisay sida uu Duqu yri, wuxuu kaloo sheegay C/Casiis in Bulshada ay bilaabeen la shaqaynta Ciidanka taasi oo sahashay buu yiri in la helo xogo badan oo ku aadan dhanka amniga wuxuuna Bulshada ugu baaqay in aysan ka daalin la shaqaynta Dowlada.

 

Waxqabadka Dowlada hoose ee uu Koor hogaamiyo ayuu sheegay 6dii bil ee lasoo dhaafay in ay wax badan ka qabteen dhanka Bilicda Magaalada oo ay dhireyn badan ku sameeyeen, Hirgelinta Wado laami ah, yagleelida Suuq kaluumeysi oo Magaalada laga sameeyo,iyo isu habaynta iyo Nidaam u dajinta barakacayaasha ku dhaqan Magaalada garoowe ayuu tibaaxay in ay ku talaabsadeen, wuxuuna sheegay in  ay jiraan hormar kale oo ay damacsan yihiin in ay sameeyaan bilaha soo socda sida uu hadalka u dhigay Gudoomiyuhu.

 

Kalfadhiga ayaa inta uu socdo waxaa laga wada xaajoon doonaa Arimaha Deegaanka, Amniga, Warbixinta Waxqabadka 6da bil ee Dowlada Hoose, Xisaab Xirka 2012, iyo Ansixinta Qorshaha  Sanadka 2013.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Trending Articles