Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta kulan la qaatay gudiyada baarlamaanka Soomaaliya kulanka gudooonku uu la yeeshay -ka gudi ee baarlamaanka ayaa waxaa diirada lagu saaray dardar galin hawlaha horyaala baarlamaanka Soomaaliya inta uu furan yahay kala fadhiga labaad oo hada bilow ah.
Markii uu soo dhamaaday kulankii ay wada qaateen gudoonka Baarlamaanka Jawaaari iyo gudiyada baarlamaanka ayaa waxaa saxaafada la hadlay Gudoonka baarlamaanka Jawaari oo sheegay iney kulankooda maanta ku falanqeeyeen sidii baarlamaanku u gudan lahaa hawlaha ay shacbigu ka sugayaan isla markaane ay u guda gali lahaayeen ajandayaasha ugu horeeya ee kala fadhiga labaad ee baarlamaanka.
Jawaari ayaa sheegay in gudiyada baarlamaanku ay ka arinsadeen qorsha hawleedka ugu horeeya ee horyaala mudanayaasha baarlamaanka wuxuuna sheegay in hawsha ugu horeysa ay tahay la xisaabtanka wasaaradaha xukuumada Soomaaliya,isagoona tilmaamay in gudi walba uu la xisaabtami doono wasaarad uu u xilsaaran yahay.
Gudoomiye Jawaari ayaa dhanka kale tilmaaamay in mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee gaaray gobolada qaar ee dalka Soomaaliya ay soo gudbiyeen warbixino ay ku muujinayaan marxaladaha shacabka ku dhaqan deegaanadii ay gaareen,wuxuuna hoosta ka xariiqay in waxyaabihii ay baarlamaanka usoo gudbiyeen mudanayaashaasi lagu dari doono qordha hawleedyada baarlamaanka ee kala fadhigan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho