Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Diyaarada Ethiopia Airlines oo Duulimaadyo ka Bilaabeysa Magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay iney dib usoo celineyso duulimaadyadii ay diyaarada Ethiopian Airline ku imaan jirtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya safiirka dalka Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho C/casiis Axmed Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in diyaarada caalamiga ah ee dalka Itoobiya ay duulimaadyo ka bilaabi doonto magaalada Muqdisho muddo dheer kadib.

Danjiraha ayaa sheegay in dowlada Itoobiya ay go’aansatay in xiligan ay dib u bilowdo duulimaadyadii ay diyaaradoodu ku imaan jirtay magaalada Muqdisho ka hor burburki dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in dadku ay ka raysan doonaan safarka dhanka dhulka ah ama sida dad badn ay dadku ugu kala gooshaan magaalooyinka Muqdisho iyo Addis ababa.

Safiirka wadanka Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho C/casiis Axmed  ayaa meesha ka saaray mar la weydiiyey in go’aankani uu ka danbeeyey isbedelka dhanka hogaanka ah ee ka dhacay wadanka Itoobiya xili dhawaan uu geeriyooday R/wasaarihii dalka Itoobiya Melez Zenaawi wuxuuna tibaaxay safiirku in arintani looga gol leeyahay adkeynta xiriirka labada dal.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaya diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadyada ka samaynaya Muqdisho 22 sano kadib waxaana kamid ah diyaaradaha hada ka hawlgala garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho diyaarada caanka ah ee Turkish Air iyadoona wadamada Masar,Iiraan Ciraaq iyo Yemen ay ka dhawaajiyeen in diyaaradahoodu ay duulimaadyo ka bilaabayaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kadib markii uu soo hagaagay amniga Muqdisho.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Trending Articles