Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20253

Kooxo Hubeysan oo Muqdisho ku Toogtay Askari ka Tirsanaa Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Taraafikada

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio)  Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa maanta xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshid ku toogtay askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada xili uu kusoo jeeday hawlmaalmeedkiisa taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa sheegay in maanta markii ugu horeysay  Muqdisho lagu toogtay askari ka tirsanaa ciidamada Taraafikada.

Gen. Cali Gaab xafiiskiisa kula hadlay saxaafada ayaa sheegay in askariga lagu dilay xaafada towfiiq xili uu ku jiray dukaan kasoo horjeeda hoygiisa isagoona tilmaamay in 2 dhalinyaro ah oo hubeysan ay bistoolado la dheceen askariga oo uu sheegay inuu Kormeere Saddexaad.

Askariga maanta la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Max’ed Warsame oo ka mid ahaa ciidamada ilaalada wadooyinka taliye Cali Gaab ayaa tacsi u diray ehelada Marxuumka maanta lagu dilay xaafada Towfiiq wuxuuna isagane ilaa uga baryey inuu jannadiisa ka waraabiyo .

Cali Gaab ayaa tilmaamay in askarigani uu ahaa kii ugu horeeyey ee lagu toogtay gudaha magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay inuu ahaa askari hawl kar ah oo si wanaagsan u guta shaqadiisa wuxuuna tilmaamay iney si aad ah uga xun yihiin dilkiisa.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20253

Trending Articles