+Muqdisho(RBC Radio) Wararka Naga soo Gaaraya Xaafada Kalluunka ee degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in halkaaas uu ka kacay dab aad u xoog badan wararka ayaa ku waramaya in dabka oo gordhow ka kacay goob ganacsi oo ku taalla kasoo horjeedka xarunta weyn ee hay’ada UNDP.
Goobjoogayaal ku sugan halka uu dabku ka kacay ayaa ku waramaya in dabku uu ka dhashay qarax ay samaysay Koronto ku jirtay dukaanka ganacsi ee uu dabku ka bilowday waxaana ay wararka aan ka heleyno goobta uu dabku ka kacay ay tilmaamayaan in dabku uu ku fiday guryaha deriska la ah goobta uu dabku ka kacay.
Dabka ayaa la sheegayaa inuu ku socdo si xawli ah isagoona marba marka ka danbeysa kusii faafaya guryaha ku yaala agagaarka dukaanka uu dabku ka dhacay waxaana goobta markiiba gaaray 3 dabdamis oo 2 kamid ah uu leeyahay maamulka gobolka Banaadir waxaana ay ku hawlan yoihiin daminta dabka xooggan ee ka kacay goobtaas.
Ilaa hada lama soo sheegin qasaare nafeed oo ka dhashay dabkaas balse waxaa la tilmaamayaa in hanti badan ay ku basbeeshay dabkaas,waxaana xiligan soo gaaray goobta uu dabkaasi ka kacay dabdamis weyn oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Amisom kasoo ka qayb qaadanaya daminta dabka ka holcaya goobta ganacsi ee ku taalla agagaarka xarunta laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya .
Wixii kusoo Kordha dabkaasi kala soco Raxanreeb.com oo daqiiqad walba idiin soo gudbineysay wararkii ugu danbeeyey.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho