Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20233

Maamulka Gobolka Baay oo Daboolka ka Qaaday inuu Duulaan ku yahay Deegaanada ku Haray Gacanta Ururka Alshabaab

$
0
0

 

 

 

o(RBC Radio) Maamulka gobolka Baay ayaa sheegay iney alshabaab ka saarayaan degmooyinka Diinsoor biyo Ufurow ee gobolkaas oo ay hada ku sugan yihiin gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay iney alshabaab kala wareegi doonaan deeegaanada kooban ee ay hada gacanta ku hayaan.

Cabdi Aadan gudoomiyaha maamulka gobolka Baay ayaa sheegay in dagaal shalay ka dhacay deegaanka Awdiinle oo 30 u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay kala wareegeen dagaalamayaasha alshabaab ee halkaas ka arimin jiray wuxuuna tilmaamay in dagaalkii shalay uu qayb ka yahay duulaanada ay aslhabaab kaga sifeynayaan deegaanada gobolkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Baay ayaa sheegay inuu hada soo idlaaday wadahadal ay wadayeelanayeen maamulka gobolka Baay,saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobolka Baay wuxuuna tilmaamay in lagu go’aamiyey shirarkaas in sida ugu deg degga badan weerar loogu qaado deegaanada ay slahabaab kaga harsan yihiin gobolka Baay.

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab milateri ka helay ciidanka Itoobiya iyo ciidamada nabad ilaalinta Amisom ayaa alshabaab ka saaray deegaano badan oo ay ka arimin jireen,ciidanka dowlada ayaa kusii siqaya deegaano hjor leh oo ay alshabaab ku sugan yihii.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20233

Trending Articles