Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19685

Golaha wasiirada Soomaaliya oo meelmariyey Miisaaniyad gaara oo loogu talagalay Mushaharaadka ciidamada

$
0
0

golaha wasiirada somMuqdisho(RBC Radio) Shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxa ay ku meelmariyeen Miisaaniyad gaara oo uu soo gudbiyey wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya taasoo la xiriirta bixinta Mushaharaadka ciidamada iyo amniga.

Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay kulanka golaha wasiirada .

Kulanka golaha wasiirada oo uu shir gudoominayey R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon saacid ayaa afhayeenku waxa uu sheegay in  lagu soo qaaday qodobo ay ka mid ahaayeen,qaraxii lala eegtay walaalaha Turkiga,dardar galinta Caddaaladda,dhisida hay’ad qaabilsan barakacayaasha iyo Qaxoontiga iyo arimo kale oo quseeya xaaladaha dalka.

Golaha Wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii   meel mariyay Miisaaniyad gaar ah oo uu soo gudbiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, kaasoo loogu tala galay bixinta mushaaraadka ciidanka iyo howlaha amniga, maadaama ay dawladdu bilowday bixinta mushaaraadka ciidanka kala duwan ee dawladda iyada oo adeegsaneysa Qasnada dawladda.

“Miisaaniyaddan waa mid u gaar ah Mushaaraadka Ciidanka iyo howlaha Amniga, dawladduna waxay xil gaar ah iska saartay sidii ay u joogeynt laheyd xaquuqda Askarta” ayuu yiri R/wasaare saacid intii uu kulanku socday.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19685

Trending Articles