Dhuusamareeb(RBC Radio) Maamulka Culima udiinka ahlu sunna waljamacaa oo shalay ciidamo ay leeyihiin ay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud kusoo bandhigeen dhoollatus ciidan ayaa waxa ay daboolka ka qaadeen iney weerar ku yihiin deegaanada gobolka Galgaduud ee gacanta ugu jira alshabaab,ciidanka dhoollatuska sameeyey ayaaa waxaa ay tira ahaan gaarayaan Kun Askari.
Madaxa arimaha bulshada culima udiinka ahlu sunna waljamaaca Cabdiwali Xaaji Diiriye oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ciidakaasi ay diyaaritiisa muddo ku hawlanaayeen ayna ugu tala galeenn iney alshabaab ka saaraan deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Cabdiwali Xaaji ayaa sheegay inuu soo dhammaaday diyaar garowgii ay wadeen xiligane ay ciidamada ahlu sunna u diyaarsan yihiin iney ku duulaan deegaanada ka maqan gacan ku haynta ahlu sunna waljamaaca ee gobolkaasi Galgaduud,wuxuuna xusay in dhoollatusku uu ahaa mid ay ku muujinayeen cududa ciidan ee maamulka culima udiinka ahlu sunna waljamaace ee gobolada dhexe.
Madaxa arimaha bulshada culima udiinka ahlu sunna waljamaaca ayaa tibaaxay iney maalmahan danbe oo dhan ku jireen diyaar garowgii ugu danbeeyey oo ay ku doonayaan sidii ay alshabaab ugala wareegi lahaayeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Galgaduud oo ay xiligan ka ariminayaan.
Wuxuuna wacad ku maray iney ahlu sunna ka go’an tahay iney guud ahaan dalka Soomaaliya ka cirib tiraan waxa uu ku tilmaamay Khawaarijta kusoo duushay dalka Soomaaliya sida uu hadalka u yiri,wuxuuna xusay iney maalmaha foodda inagu soo haya ay su buuxda u hantiyi doonaan gacan ku haynta goobaha ay alshabaab ku sugan yihiin.
RBC Radio