Muqdisho(RBC Radio) Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo ka dhacday xarunta ugu weyn hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ayaa waxaa lagu dhamaystiray dhismaha hay’adda nabad sugidda dowladda federaalka Soomaaliya,munaasabadda ayaa waxaa lagu magacaabay 3 taliye ku xigeen oo ay yeelatay nabad sugidu,Kaaliyaha nabad sugidda iyo taliyaha hay’adda nabad sugidda gobolka Banaadir.
Munaasabadda lagu qabtay xarunta Nabad sugidda oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaraka xukuumadda C/kariin Xuseen Guuleed iyo Bashiir Gen.Bashiir Maxamed Jaamac oo ah taliyaha hay’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale lagu magacaabay 3 taliye ku xigeen oo ay hay’addu yeelatay iyo taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir.
Taliye ku xigeenada la magacaabay ee nabad sugidda qaranka soomaaliya ayaa waxa ay kala yihiin Col Cabdalla Cabdalla Maxamed,Col Maxamed C/llaahi Xaamud,iyo C/salaam Yuusuf Guuleed.
Taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadirayaa waxaa loo magacaabay G/dhexe Maxamed Aadan Koofi oo hore uga mid ahaa saraakiisha amniga madaxtooyada Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka nabad sugidda qaranka soomaaliya General Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la magacaabay looga baahanyahay in ay ka soo dhalaalaan xilalka loo magacaabay,kana soo baxaan waajibaadka qaran ee loo xilsaaray
C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo ka hadlay munaasabadda lagu macaabay masuuliyiinta nabad sugidda ayaa kula dardaarmay iney xilka loo magacaabay u gutaan si xilkasnimo ah isla markaane ay si hufnaan ah hawsha loo igmaday uga soo baxaan.
RBC Radio
Muqdisho